Man United oo Dalab ka Gudbisay Saxeexa Antony & Ajax oo ka Jawaabtay

0
313

Kooxda Man United ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ajax ee Antonyg.

Man United ayaa xiddiga Antony doonaysa in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe waxana ay doonaysaa in ay ka dhigto saxiixyada ay ku xoojinayso kooxda.

Erik Ten Hag ayaa Man United u sheegay in uu doonayo saxiixa xiddiga reer Brazil kaas oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Ajax xilli ciyaareedkii hore.

Man United ayaa kooxda Ajax miisha u saartay lacag dhan 51 milyan oo euro laakiin lacagtaas ayaa ka hoosaysa lacagta ay Ajax ku qiimayso xiddiga.

Kooxda Ajax ayaa doonaysa lacag dhan 80 milyan oo euro waxana ay isla markiiba diiday dalabka kooxda Man United ka gudbisay saxiixa xiddiga Antony.

Xiddiga Antony ayaa dhankiisa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United waxana uu u sheegay Ajax in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Red Devils.

Leave a Reply