Xilka Iyo Gudashada Waajibaadka!

0
337

Abuu Umaamah al-Baahili (RC) wuxuu sheegay inuuu dhageystay khudbadii Rasuulka Allah (SCW) uu jeediyey xajkii ugu danbeeyay waxaan uu yidhii: ” Xurmad iyo tixgelin gaara siiya Allah (sw) iyo amaradiisa, oo ooga shanta salaadood maalin kasta, bisha Ramadaan sooma, bixiya sekada, maqla oo adeeca kuwa xilka iyo mas’uuliyadda idin haya (wanaagga ku adeeca) waxaad geli doontaan markaa Jannada Rabbigiin”.  Tarmidi ayaa ku weriyay Xadiis Xasan ah

 Cabdullaah ibn Mascuud (RC) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (SCW) ku duceysan jirey: ” Allahayow waxaan kaa baryayaa hanuun, ilaalinta xilka iyo waajibka aad i saartay, dhawrsanaan iyo kheyr xaggaaga ah “.         (Muslim)

Leave a Reply