Chelsea oo Soo Afduubanaysa Lewandowski Xilli uu ku Laabtay Magaalada Munich

0
234

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa qaadaysa tallaabadii ugu dambaysay ee ay kusoo qafaalanayso weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo ay doonayso inay saxeexiisa ku garaacdo Barcelona oo si weyn loola xidhiidhinayo.

33 jirkan ayaa hore ugu sheegay kooxda reer Germany in uu doonayo in la iibiyo xagaagan, iyada oo uu sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa, illaa haddana waxa uu ku cadaadinayaa Bavaria in ay codsigiisa aqbalaan inkasta oo masuuliyiinta naadigaasi ay meesha ka saareen in ay iibinayaan.

Robert Lewandowski ayaa maanta dib ugu laabtay tababarka kooxdiisa isaga oo aan wali ka laabanin go’aankiisii bixitaanka, waxaanay Bavaria u sheegtay in haddii uu yimaaddo dalab £42 milyan oo Gini ah inay u ogolaanayaan in uu tago balse haddii qiimahaas loo gaadhi waayo uu sii joogi doono.

Barcelona oo ahayd kooxda ugu cadcad ee dhawrka jeer isku dayday inay la saxeexato, isla markaana uu madaxweynaheeda Joan Laporta hore u sheegay inay Munich ka sugayaan dalab ay u gudbiyeen, ayaa waxa la sheegay inay ku adag tahay inay ciyaartoy 33 jir ah kasoo bixiso £42 milyan oo Gini iyadoo kooxdaasi ku jirta xaalad dhaqaale xumo.

Chelsea ayaa la sheegay in ay fursad ka helayso Barcelona oo ay isku dayayso inay kasoo afduubato laacibkan, si uu ugu buuxiyo booskii uu banneeyey Romelu Lukaku oo dib ugu laabtay Inter Milan kaddib xilli ciyaareed adag oo uu ku qaatay Stamford Bridge.

Tababare Thomas Tuchel ayaa dareensan in kooxdiisu ay u baahan tahay inay hesho weeraryahan ku fiican gool-dhalinta si ay ula tartamikaraan Manchester City oo lasoo wareegtay Erling Haaland iyo Liverpool oo la saxeexatay Darwin Nunez.

Leave a Reply