Man City oo ku Dhawaaqday Heshiiska Xiddig Weyn Cimrigiisa u Hibeeyey Etihad Stadium

0
331

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku dhawaaqday heshiiska xiddig weyn oo cimrigiisa ciyaareed u hibeeyey Etihad Stadium kaas oo qalinka ku duugay heshiis muddo dheer ah oo uu kusii xidhnaan doono garanka buluugga khafiifka ah ee Man City.

Manchester City ayaa hadda shaacisay in heshiis cusub oo shan sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2027 uu saxeexay xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ee Rodri.

Laacibkan oo sannadkii 2019 ay Man City kasoo iibsatay Atletico Madrid ayaa cusboonaysiiyey qandaraaskiisii hore oo ay laba sannadood ka hadhsanayd, waxaana uu kusii daray saddex sannadood oo kale iyadoo si weyn sare loogu qaaday mushaharkiisa.

Saddexdii sannadood ee hore ee uu ka ciyaaray Etihad Stadium ayuu u saftay 151 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu kula guuleystay laba horyaal oo Premier League ah iyo laba League Cup, halka sidoo kalena uu lasoo gaadhay finalka Champions League.

26 jirkan ayaa boos joogto ah ka  haysta Citizens, waxaana heshiiska cusub ee uu saxeexay uu ka dhigan yahay in uu sii joogayo Etihad Stadium illaa ay da’diisu gaadhayso 31 jir.

Markii uu heshiiska saxeexay ayuu la hadlay saxaafadda, waxaana uu yidhi: “Ku biiristaydii City ee sannadkii 2019 waxay ahayd go’aankii ugu wanaagsanaa ee aan waligay gaadho. Ilbidhiqsi kasta oo isoo maray waan jeclaysanayey, taageereyaashuna cajiib ayay ahaayeen, waxa aan dareemayay in gebi ahaanba ay i taageereyeen kooxda iyo tababaruhu oo ay hore ii riixayeen maalin walba.

“Ciyaartoy ahaan ayaan horumar u sameeyey, waxaanan uga mahad-celinayaa Pep iyo shaqaalaha tababarka ee i caawiyey. Si buuxda ayay iiga caawiyeen si aan u noqdo ciyaartoy wanaagsan, waanan uga mahad-celinayaa shaqadooda adag.”

Heshiiska cusub ee Rodri uu saxeexay, waxa uu soo afjarayaa shaqadii Manchester City ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, iyadoo ay hore uga tageen Fernandinho iyo Gabriel Jesus, isla markaana ay labada ciyaartoy ee Erling Haaland iyo Kalvin Phillips ay lasoo wareegeen iyaga oo kasoo bixiyey £51 milyan oo Gini iyo £45 milyan oo Gini, sida ay u kala horreeyaan.

Leave a Reply