Man United oo Cristiano Ronaldo ku Qancinaysa inuu Bedelo Go’aankiisa

0
301

Sida laga soo xigtay The Times, agaasimaha guud ee Man United Richard Arnold ayaa si adag uga shaqeynaya sidii uu Cristiano Ronaldo ugu qancin lahaa inuu sii joogo kooxda.

Waxa uu doonayaa in weeraryahanka reer Portugal uu ka laabto codsigiisa ah inuu ka tago Red Devils oo uu fuliyo waajibaadkiisa qandaraaska ah.

Wakiilada Ronaldo ayaa la dhacay qaabka uu Arnold u maareeyay rabitaanka Ronaldo ee ah inuu baxo.

Laakiin maamulaha guud ee United ayaa doonaya in weeraryahanku sii joogo kooxda maadama ayna doonayn kooxdu in ay iibiso isaga xagaagan.

Tababaraha Man United ee Erik ten Hag ayaa dhankiisa sheegay in uuna Ronaldo iib ahayn isla markaas uu ka mid yahay qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedka dambe.

Ronaldo ayaa dhamaadkii bishii hore warqada bixitaanka u gudbiyay man United isaga oo doonaya in uu ku biiro koox ka ciyaari doonta tartanka champions League.

Leave a Reply