Islaamku wuxu u arkaa aadamiga guud ahaan mid Ilaahay karaameeyay iyadoo Allah (sw) Quraanka ku cadeeyay. Rasuulka Allah (scw) ayaa khudbadiisii ugu danbaysay ee xajatul wadaac ku cadeeyay xuquuqda aadamiga ee uu sharciga Islaamku siiyay . Waxaana uu xadiis ku yidhi “Dadyahow Ilaahiinu waa mid, Aabihiin waa mid (Aadam) nin carbeed wax ma dheeraa nin aan carab ahayn, nin aan carab ahayn waxba ma dheera nin carab ah, nin cas waxba ma dheeraa nin madow, nin madoobina waxba ma dheera nin cas, cabsida Ilaahay mooyee” Xadiis saxeexa. Waxa weriyay Axmed.

0
241

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa diyaarinaysa xafladda shaacinta heshiiska xiddig weyn oo ay muddo raadinayeen oo ugu dambayntii ay qarka u saaran yihiin dhamaystirkiisa, isla markaana saacado gudahood la filayo inuu ku noqdo ciyaartoy ka tirsan Man United.

Erik ten Hag ayaa faraxsan waxaana uu la dhacsan yahay shaqada ay kooxdiisu qabatay usbuucii ugu dambeeyey isaga oo xaqiiqsaday in inta badan uu ku guuleysanayso saxeexyadii uu raadinayay.

Manchester United ayaa la sheegay inay kaabiga u saaran tahay oo saacadaha soo socda ay heshiis la gaadhi doonto Ajax oo ay kala soo wareegayso difaaca dhexe ee reer Argentina ee Lisandro Martinez oo 24 jir ah.

United ayaa ogolaatay inay bixiso £46 milyan oo Gini oo ay saxeexa laacibkan ku xidhay Ajax, waxaana hadda  hadhsan oo laga shaqaynayaa dhamaystirka heshiiska shaqsiga ah ee Manchester United iyo Lisandro Martinez.

Wargeyska The Sun oo helay xogta heshiiska Manchester United iyo Ajax ayaa waxa uu sheegay in Old Trafford looga diyaar-garoobayo soo bandhigista Martinez iyo sidoo kale lambarka loo xidhayo oo isagana loo go’aaminayo.

Manchester United ayaa hore ugu dalbatay Martinez lacag gaadhaysa £42 milyan oo Gini, waxaase iska diiday Ajax oo dalbanaysay in la gaadhsiiyo £46 milyan oo Gini taas oo ugu dambayntii ay Man United ogolaatay inay bixiso.

Lisandro Martinez ayaa loollan adag la geli doona Harry Maguire, Raphael Varane, Victor Lindelof iyo Eic Bailly oo ay isku boos yihiin, waxaanu noqonayaa saxeexii labaad ee ay Man United samayso xagaagan, waxaana ka horreeyey difaaca midig ee reer Netherlands ee Tyrell Malacia.

Manchester  United ayaa sidoo kale waqti hore heshiis shaqsi ah la gaadhay kubbad-sameeyaha reer Denmark ee Christian Eriksen inkasta oo aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin, waxaanay ku raad-joogaan Frenkie de Jong oo ahaa bartilmaameedka koowaad ee Erik ten Hag.

Leave a Reply