Raheem Sterling oo Xaqiijiyay ku Biiristiisa Chelsea, Fariinna Diray

0
227

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis  la gaadhay xiddiga reer England ee Raheem Sterling oo ay £50 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Manchester City, waxaanu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo uu ugu ciyaari doono Blues.

Man City ayaa iyaduna dhinaceeda war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay, in Raheem Sterling uu u wareegay Chelsea kaddib toddoba sannadood oo uu ka ciyaaray Etihad Stadium.

27 jirkan oo heshiiskiisa qandaraaskiisa Man City ay ka hadhsanaayeen 12 bilood  oo kaliya ayaa heshiiska Chelsea saxeexay kaddib markii uu ka gudbay tijaabada caafimaadka, waxaanu si toos ah ugu duuli doonaa waddanka Maraykanka oo uu kula midoobi doono ciyaartoyda kooxdiisa cusub oo halkaas gaadhay maalintii Jimcihii.

Sterling ayaa soo gunaanaday toddoba sannadood oo uu kusoo qaatay Etihad Stadium iyo 337 ciyaarood oo uu u saftay Man City, waxaana bixitaankiisa soo dedejiyey Elring Haalnad iyo Julian Alvarez oo ay City lasoo wareegtay, waxaanu garabkan weerarku isku qanciyey in aanu boos helayn haddii uu sii joogo.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ayuu Sterling ku macasalaameeyey taageereyaasha Man City, waxaanu ku yidhi: “Toddoba sannadood, 11 koob iyo nolol xasuus mudan.

“Shaqaalaha tababarka, maamulka iyo taageereyaashuba si aan hagrasho lahayn ayay u garab taagnaayeen kooxda, qof kasta oo ku lug leh Manchester City, ixtiraamka aad ii hayseen ma jirin wax ka weynaa. Sharaf ayay ii ahayd in aan u ciyaaro Man City.

“Waan ku faraxsanahay wax kasta oo wanaagsanaa iyo wixii hooseeyeyba, waqtiyadii adkaa waxa aan tijaabiyey adkaysigayga iyo xalka, waxaanan awood u yeeshay in aan halkan soo gaadho oo aan dibedda usoo saaro heerkayga ugu fiican.

“Waxa aan imid Manchester aniga oo 20 jir ah, maantana, waxa aan ka tegayaa aniga oo nin noqday. Waad ku mahadsantihiin taageeradiina aan hagrashada lahayn, sharaf ayay ii ahayd in aan xidhay shaadhka Manchester City.”

Man City ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in xiddigeedii Raheem Sterling uu u wareegay Chelsea, waxaanay u rajaysay wanaag inta ka hadhay xirfaddiisa kubadda cagta.

 

Leave a Reply