Komiishanka Tacliinta Sare iyo Jaamacadaha Dalka oo lacag ku wareejiyay gudida suuqa Waaheen

0
458

Hargeysa (Dawan) Guddida tacliinta sare oo ay wehelinayaan masuuliyiinta jaamacadaha dalka ayaa qadar lacageed ku wareejiyay guddida taakulaynta suuqa Waaheen.

Qadarkan lacageed oo loogu talo galay taakulaynta suuqa Waaheen, ayaa dhammeyd boqol iyo konton kun laba boqol iyo lix iyo sideetan dollar, taasi oo loogu talo galay in jaamacadaha dalku kaga qayb qaataan taakuleynta suuqi gubtay ee Waaheen.

Guddoomiyaha guddida tacliinta sare Pro. Saleebaan Dirir Cabdi iyo agaasimaha guddida tacliinta sare Ibraahim Aamin Gadiid iyo guddoomiyaha Jaamacada Camuud Pro. Saleebaan Axmed Guuleed oo halkaasi ka hadlay ayaa dhammaantood waxa ay sheegeen in qaadhankankan ay iska soo ururiyeen qaar ka mida jaamacadaha dalku, isla markaana ay rabaan in ay ku garab istaagaan dadkii ku hanti belay gubashadii suuqa Waaheen.

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa guddida tacliinta sare iyo masuuliyiinta jaamacadaha uga mahadceliyay deeqdaasi, ay soo gaadhsiiyeen waxaanu intaasi ku daray in arrintani tahay tallaabo ku dayasho mudan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay diwaangeliyeen dhammaan bulshadii ku hanti beeshay dabkii ka kacay suuqa Waaheen.

Waxaanu yidhi.“Jaamacadaha dalku masuuliyadii ka saarnayd bulshadooda inay isxilqaameen oo ay guteen, aad iyo aad ayaanu arrintaasi ugu faraxsanahay, marka xigta ka guddi ahaan waxa aanu idinla socodsiinaynaa in suuqii Waaheen, dadkii ku tabaaloobay ee hantidu kaga gubatay in dhammaantood aanu diwaangelinay”

Dr. Adna Aadan ayaa sheegtay in bulshada Somaliland dhibta ay kaga baxdo isku tashi iyo isku duubnaan iyada oo aan cidkale waxba ka sugayn.

Waxaaney tidhi.“Waxa sharaf inoo ah in aynu ka soo kabashada aynu ka soo kabanay maqaadiirtii shalay suuqan Waaheen ku dhacday, iyo tii dalkeena ku dhacday dhaw iyo sodon sano horteed in aynu gacmaheena ku dhisanay iyada oo aanay ciddina ina taageerin”

Guddoomiyaha guddida tacliinta sare Pro. Saleebaan Dirir ayaa faahfaahin ka bixiyay lacagta ay wareejiyeen iyo cidda soo kala gaadhsiisay.

Waxaanu yidhi.“Waxaanu maanta halkan aanu ku wareejinaynaa boqol iyo konton kun laba boqol iyo lix iyo sideetan dollar iyo toddoba iyo labaatan milyan saddex boqol iyo afar iyo afartan shan boqol iyo sideetan Somaliland shilin ah.

Caasimada Hargeysa waxa naga soo galay koob iyo sitan kun todoba boqol iyo saddex iyo toban ardaaga galbeedka waxa naga soo galay shan iyo sodon kun todoba boqol iyo afar iyo sagaashan ardaaga barigana waxa naga soo galay laba iyo sodon kun todoba boqol iyo sagaal iyo todobaatan,”

“Horta masaa’ibkan ILLAAHEYBA keenay waa wax aynu kasbanay iyo wax imtixaanka bini’aadamka la imtixaamayo ka mida, adduunka imtixaan ayaynu u joogna aakhirana abaalmarin ayaynu kala kulmi, inagu waynu nasiib badnayn oo abaaraha mooyaane wax kale inama heli jirin, dabkuna waa arrimaha cusub ee adduunka ku soo kordhay,”Ayuu yidhi guddoomiyaha jaamacada Camuud Pro. Saleebaan Cabdi Guuleed.

 

 

 

 

Leave a Reply