71 Darawal oo ka Mida Wadayaasha Gaadiidka Dawlada oo Imtixaam u Fadhiistay.

0
316

Hargeysa (Dawan)- 71 Darawal oo ka mida Wadayaasha Gaadiidka Dawlada ayaa shalay u fadhiistay Imtixaam ay qaadayso Iskuulka Tababarka Wadayaasha Gaadiidka ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Maamulaha Iskuulka Tababarka Wadayaasha Gaadiidka ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Khaalid Cabdilaahi Maxamuud oo hadal ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Darawalka ku guulaysta Imtixaanka  uu heli doono liisanka Wadayaasha.Waxaana uu yidhi”Dirawaliintan Imtixaanka laga qaadayo tiradoodu waxa ay dhan tahay 71 Darawal waxaana ay ka kala socdaan 15 Hay,adood,Imtixaamkan Darawalkii ku guulaysta ayaa heli doona liisanka loogu talo galay Gaadiidka Dawlada,”.

Sidoo kale Agaasime ku Xigeenka waaxda Liisamada ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka  Maxamed Saleebaan Jaamac Abyan oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in dufcadani Imtixaamka u fadhiistay yihiin Darawaliinta Gaadiidka Dawlada ee  Gobalka Maroodijeex.Waxaana uu yidhi”Waa Dufcadii ugu dambaysay ee Gobalka Maroodijeex ee Imtixaam laga qaadayo, waxaana aanu bilaabi doonaa Gobalada kale oo qorshaha Wasaarada yahay in lagu soo tababaro Gobal walba degmadiisa,”.

Leave a Reply