Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland mudane Guuleed Muuse Galaal, guddoomiye ku xigeenka Maxamed Xuseen Axmed iyo agaasimaha guud Cabdiraxmaan Muuse ayaa kulan la qaatay shirkadaha caymiska ee gaarka loo leeyahay.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd ogaanshiyaha halka uu marayo caymiska dalka, ee shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo adeeg bixinta ay bulshada iyo Qarankaba u hayaan.
Waxa kale oo ay sheegeen masuuliyiinta hay’adda Caymiska Qaranku in ay diyaar u yihiin kobcinta shirkadaha bixiya adeega caymiska Qaranka ee gaarka loo leeyahay, iyaga oo tilmaamay in la raacayo shuruucda la xidhiidha arrimaha caymiska.
Sidoo kale kulankan ayaa lagu lafa guray sidii loo dardargelinlahaa hawlaha shaqo ee shirkadaha caymiska Qaranka ee gaarka loo leeyahay.