Komishanka Maamul wanaagsa oo masuuliyiintii madaxweynuhu soo magacaabay u Qabtay kulanka xogsiinta

0
284

 

Hargeysa (Dawan) Komishanka Maamul-wanaagga Somaliland, ayaa shalay u qabtay masuuliyiinta cusub ee dhawaan Madaxweynuhu magacaabay  kulanka xogsiinta ah.

Guddoomiyaha komishanka Maamul-wanaagga Liibaan Ismaaciil Buraale, oo ka hadlay ujeeddada kulankan, ayaa sheegay in ay tahay in masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladdu ogaadaan xeerarka guud ee shaqada iyo ta xafiisyada ay ka shaqaynayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka Maamul-wanaagga Somaliland Axmed Xasan Ibraahim, ayaa isaguna uga mahad celiyey masuuliyiinta kulankan xogsiinta ah ka qayb gashay, isaga oo xusay in looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan, isla markaana xoojiyaan maamul wanaagga iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.

Agaasimaha guud ee Komishanka maamul wanaagga Fadxiya Maxamed Cabdiraxmaaan, oo iyadu ka hadashay kulankan ayaa sheegtay in soo dhawaynayaan kulan iyo casharada la siinayo masuuliyiinta cusub ee dhawaan madaxweynuhu magacaabay, waxaanay tilmaamtay in waxyaabaha ay ka faa’ideen kulankaasi xogsiinta ah ay shaqooyinkooda ku dabaqi doonaan.

Xubno u hadlay masuuliyiinta ka qayb gashay kulankan xogsiinta ah ayaa uga mahad naqay Komishanka Maamul wanaagga qaban qaabada iyo diyaarinta kulankaasi, iyaga oo tilmaamay in uu yahay mid wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda waxtar weyn u leh.

 

 

Leave a Reply