Kooxda Liverpool oo Ajax Wada-hadallo kala Yeelatay Saxeexa Antony

0
307

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay Ajax wadahadalo kala furtay saxeexa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Antony.

Manchester United ayaa si xoogan loola xidhiidhinayay 22 jirkaan xagaagan, iyadoo tababaraha Red Devils Erik ten Hag uu aad ula dhacsan yahay ciyaaryahankii uu ku soo maamulay Amsterdam.

Si kasta ha ahaatee Kooxda Man United ayaa ku dhibaatoonaysa in ay Ajax kala heshiiso saxeexa xiddiga reer Brazil iyaga oo diirada saaraya xiddiga Frenkie de Jong.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Liverpool ayaa wadahadalo la furtay Ajax iyaga oo wax ka waydiiyay saxeexa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Si kasta ha ahaatee Wararka ayaa sheegaya inaanay Reds diyaar u ahayn in ay bixiso lacagta 80-ka milyan ee ay Ajax dalbanayso si ay u iibiso xiddiga.

Klopp ayaa xiddiga Antony u calaamadsaday badalka mustaqbalka fog ee xiddiga Mohamed Salah iyo in uu booska kula tartamo Salah xilli ciyaareedka dambe

Leave a Reply