Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhada Ciyaaraha Somaliland oo Tabobar u Qabtay Bahda Warbaahinta Ciyaaraha

0
271

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland ayaa si wada-jir ah tabobar ugu qabtay warbaahinta kala duwan ee dhinaca ciyaaraha, tabobarkaas oo ku saabsanaa hanaanka baahinta ee wararka ciyaaraha.

Masuuliyiinta ugu sareysa wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland ayaa ka qaybgalay tabobarkaas.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ka hadlay ujeedada ay wasaarad ahaan iyo xidhiidhadu ka leeyihiin tabobarka ay siiyeen warbaahinta ka hawl-gasha dhinaca tebinta wararka ciyaaraha, waxaanu agaasimuhu sheegay inay doonayaan inay isla jaan qaadaan warbaahinta iyo bahda ciyaaraha Somaliland, dhinaca shuruucda ciyaaraha iyo qaababka loo baahiyo iyo sidoo kale noocyada kala duwan ee ciyaaraha oo uu tilmaamay inay ku kala duwan yihiin qaab baahineedkoodu.

Dhinaca kale, Agaasime guddoomiyeyaasha kala duwan ee xidhiidhada ciyaaraha ayaa iyaguna tabobarkaas ku bixiyay shuruucda kala duwan ee ay ciyaaruhu leeyihiin iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin.

Ugu dambayn wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland ayaa sheegay inay dhawaan samayn doonaan xeer hoosaad hoosaad la xidhiidha anshaxa baahinta ciyaaraha kala duwan.

Leave a Reply