Ronaldo oo Shaaciyey Go’aanka Mustaqbalkiisa Man United & Farriinta uu Diray

0
255

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaciyey go’aanka kama dambaysta ah ee mustaqbalkiisa xilli uu wali bannaanka ka joogo Manchester United oo uu diidan yahay inuu tababarka kusoo laabto, iyadoo uu ka dalbanayo in la iibiyo inta aanu xidhmin suuqa  iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Cristiano Ronaldo oo diiddan inuu ka maqnaado tartanka Champions League oo Manchester United aanay ka qayb-geli doonin xilli ciyaareedka foodda inagu soo haya ayaa waxay xidhiidh joogto ah leeyihiin taageeraha Arsenal ee Piers Morgan oo kasoo gudbiyey xogtii ugu dambaysay.

Morgan oo ah wariye caan ah oo ciyaaraha falanqeeya ayaa waxa uu sheegay inuu si shaqsi ah ugu dedaalayo inuu sameeyo wax walba oo suurtogal ah, si uu Cristiano Ronaldo uga dhaadhiciyo oo uu ugu qanciyo inuu u wareego Arsenal haddii uu ka tago Manchester United.

Piers Morgan oo la hadlayay warbaahinta talkSPORT ayaa yidhi: “Marar  kooban ayaanu Ronaldo xidhiidhnay toddobaadkii hore. Waxa aan hubaa, in ay adag tahay in uu Cristiano Ronaldo ciyaar dambe u dheeli doono Manchester United. Waxay ila tahay in maskax ahaan uu mar horeba ka tegay Old Trafford.

“Ma doonayo in aan sheego wixii aanu is nidhi, laakiin sida aan sheegay ilama aha Ronaldo inuu dareemayo in Manchester United ay gaadhsiisan tahay heerka uu doonayo iyo damaciisa. Waxay ila tahay inuu dareensan yahay in saxeexyada ay samaynayaan, ka go’naanshihii ay xilli ciyaareedkii hore muujiyeen, halkii ay ku dhamaysteen iyo Champions League la’aantuba in ay ka  hooseeyaan hammigiisa.”

Mar la weydiiyey inuu ku riixayo laacibkan inuu tago Arsenal, waxa uu Morgan ku jawaabay: “Waan ogahay in taageereyaasha Arsenal ay dhegaysanayaan, aniguna waxa aan samaynayaa wax walba oo awooddayda ah oo aan kaga dhaadhicin karayo inuu yimaaddo Arsenal. Waxa kale oo aad maskaxda ku haysaan, in uu u dhowaa inuu yimaaddo Arsenal markii ay da’diisu ahayd 18 jirka.”

Leave a Reply