Erik Ten Hag oo Go’aan ka Gaadhay Mustaqbalka Anthony Martial

0
367

Tababaraha cusub ee Manchester United Erik ten Hag ayaa doortay inuu Anthony Martial ku sii hayo Old Trafford xilli ciyaareedkan, sida sheegayaan wararku.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa wakhti adag ku qaatay Old Trafford sanadihii ugu dambeeyay isaga oo xitaa qaab amaah ah uga tagay kooxda kuna biiray Sevilla.

Weeraryahanka yaaa kaliya hal gool dhaliyay xilli ciyaareedkii hore isaga oo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ku qaatay amaah uu kula joogay kooxda Sevilla.

Sidaas darteed waxa la filayay in uu qaab toos ah uga tago Man United xagaagan laakiin sida laga soo xigtay wargayska The Guardian, Ten Hag ayaa go’aansaday in uu sii haysto Martial xilli ciyaareedka soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in go’aanka Ten Hag uu yimid kadib markii uu shak soo galay mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Man United iyada oo xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Martial ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isaga oo dhaliyay 3 gool kulamadii ay kooxdiisu ciyaartay ilaa haatan

Leave a Reply