Man United oo Wayday Saxeexa Xiddig uu Dedaal Badan Geliyey Erik Ten Hag

0
317

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu garaacay saxeexa xiddig uu si shaqsi ah ula hadlay tababare Erik ten Hag oo uu doonayay inuu keeno Old Trafford xagaagan, waxaana dhabarka u jeediyey macallinkiisa hore oo uu ka doortay inuu tago horyaalka Netherlads.

Manchester United ayaa doonaysay weeraryahanka RB Leipzig ee Brian Brobbey oo ay u arkayeen inuu wax badan kusoo kordhin doono weerarkooda saluugga badani ka jiro, hase yeeshee kooxdii hore ee tababare Ten Hag ee Ajax ayaa ku garaacday saxeexa laacibkan.

Brobbey ayaa £16.5 milyan oo gini ugu wareegay naadiga uu hore kulliyaddiisa da’yarta uga tirsanaa, waxaanay sidaas Manchester United  ku weyday saxeexa laacib ay aad u danaynayeen.

Heshiiska Brobbey ee RB Leipzig oo sannad kaliya ka hor dhacay ayaa waxay kooxdiisu ogolaatay inay mar kale ka iibiso Ajax oo uu dib ugu laabto kaddib markii uu awoodi waayey in uu si fiican u saldhigo horyaalka  Bundesliga muddadii koobnayd ee uu joogay.

Weeraryahankan oo toddoba gool dhaliyey afar ciyaarood oo kaliya oo uu ugu soo bilowday Ajax, ayaa waxa uu mar kale dib ugu noqonayaa Johan Cruyff Erena, isaga oo diiday kooxo waaweyn oo reer Yurub  ah oo ay ku jirto Manchester United.

Manchester United ayaa ku guul-darraysiga saxeexa laacibkani waxa uu kusii kordhinayaa walaaca iyaga oo aan wali hubin mustaqbalka  Cristiano Ronaldo oo ka maqan tababarka, kuna adkaysanaya inuu tegayo, iyaadoo horena uu kooxda uga baxay Edinson Cavani.

United ayaa waxay hore ula saxeexatay Christian Eriksen, Tyrell Malacia iyo Lisandro Martinez, waxayse wali la’ yihiin Frenkie de Jong oo ay mar hore lacagta iibkiisa kala heshiiyeen Barcelona balse laacibkani uu diiddan yahay Old Trafford maadaama aanu doonayn inuu ka maqnaado Champions League oo Red Devils aanay kasoo qayb-geli doonin.

Leave a Reply