Dhuxulaysiga ayaa la rumaysan yahay inuu aafo ku yahay deegaankeenna, iyadoo sanad kastaba lagu jarro in ka badan 1 milyan oo geed.
Waxaana si Dhuxul looga shido la jaraa dhirtii qiimaha iyo wax-tarka inoo lahayd ee uu dalkeenu gaarka hodanka ugu ahaa, isla markaana faa’iidooyinka kala duwan aan ka heli jirnay.
Si dhibaatadda xaalufinta dhirta wax looga qabto qyaa xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda waxay qaaday tallaabooyin kala gedisan.
Qorsheyaashaasi waxaa ka mid ah in hoos loo dhigo isticmaalka Dhuxusha, si loo bad-baadiyo malaayiinka geed ee sanad kastaba Dhuxul darteed loo jarro.
Qormadeenna todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa tababar loo qabtay dadka Farsamo-yaqaanadda ah ee soo saarra Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya, iyo dadka iyaguna ka ganacsada ama iibiya Gir-gireyaashaasi.
Tababarkani ayay u jeedadiisu tahay in la isku xidho soo saareyaasha Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya, dadka ka ganacsadda, iyo dadka isticmaaleyaasha Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya.
Sida uu sheegay agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Somaliland oo hadal ka jeediyay furitaankii tababarkaasi.
Waxaanu ka warbixiyay u jeedadda laga leeyahay iyo waxyaabaha laga rejaynayo in ay ka soo baxaan.
Waxaanu yidhi, “Halkan waxaynu u joognaa in aynu ku ibo-furno tababar ku saabsan isticmaalka, iyo suuq gaynta Gir-gireyaasha lagu sameeyay wadankeenna, ee Dhuxusha madhxiya. Waxaanay ka mid yihiin mashruuc la yidhaahdo Proscol, oo wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP ay iska kaashanayeen, oo soo socday sanadihii ugu danbeeyay.
Sanadkan na uu ugu horeeyo tababarkan aynu maanta (17-kii July) furnay. Mashruucaasi wuxuu u jeedkiisa ama muhiimadiisu tahay, yaraynta isticmaalka Dhuxusha, iyo in la hello tamarro kale oo bedeli kara isticmaalka Dhuxusha. In wacyiga bulshadda Somaliland la koriyo, si loo yareeyo isticmaalka Dhuxusha”.
“Runtii isticmaalka Dhuxushu, sida aynu wada og soon nahay, waxa uu aafo ku yahay deegaankeenna. Waxaa sanad kasta lagu jaraa 1 Milyan in ka badan oo geed, oo ah kuwa Xero-u-dhaladka u ah, ama dhirta ay Somaliland u leedahay khaaska.
Markaa waxay noqonaysaa, in tababarkani la isku xidho, soo saareyaasha Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya. Ka ganacsatadda, iyo isticmaaleyaasha Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya. Kadib na aynu u soo saarno maxsuul ah, Gir-gireyaal laga leeyahay, ama lagu sameeyay wadanka, oo Dhuxusha beekhaaminaya, si ay dhir badani inoogu bad-baaddo”ayuu yidhi agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda deegaanka.
Sidoo kale tababarkaasi waxa kaloo qayb ka ah in wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP oo is-kaashanayaa ay ka taageeraan dadka farsamo-yaqaanada ah wershado soo saarra ama u diyaariya geedka loo yaqaano Garan-waaga si Dhuxul loogu bedello.
Sida uu mar kale sharaxayo agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda Deegaanka Somaliland oo faahfaahin ka bixinayay maxsuulka laga filayo inuu kulankani dhamaadkiisa ka soo baxo.
Waxaanu yidhi, “Waxaa aad u xusid mudan, oo tababarkani ka mid ah, in wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP oo is-kaashanayaa ay ka taageeraan wershado soo saarra, ama u diyaariya geedka loo yaqaano Garan-waaga, si Dhuxul loogu bedello”.
Geesta kale, Cabdi Abokor, oo ka socday haayadda UNDP oo wasaaradda ka caawisay mashruucaasi, oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay dulucda laga leeyahay in bulshadeenu u wareegto isticmaalka Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya.
“Mashruucan Dhuxusha oo u jeedadiisu tahay, in Dhuxusha isticmaalkeedda la yareeyo. Sidii loo yaraynayay na ay tahay, in Gir-gireyaasha guryaha lagu isticmaallo, in qaabkoodda wax laga bedello. Si ay u beekhaamiyaan, oo u yareeyaan isticmaalka Dhuxusha.
Waa hawl aynu hore ugu soo jirnay, waa hawl aad idinku (ka qayb galeyaasha) ka ganacsataan, oo aad dadka ka iibisaan Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya. Si dhirta deegaankeenu ay u nabad-gasho, oo aynu dhir aad u tiro yar u isticmaalno, ayay tahay in aynu samayno Gir-gireyaal Dhuxusha beekhaaminaya, taas ayuu shirkani la xidhiidhaa” ayuu yidhi Ca