Labada Xiddig ee Calaamadda u ahaa Hoos u Dhaca Man United oo Farta lagu Fiiqay

0
276

Graeme Souness ayaa weerar ku qaaday mulkiileyaasha Manchester United oo uu ku eedeeyey, in tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ay si aan habboonayn u maamyulayeen kooxda, waxaana uu tusaale usoo qaatay sida ay laba ciyaartoy oo kooxda ahi ugu sugnaayeen Old Trafford iyaga oo ah tusaalaha hoos  u dhaca ku yimid Red Devils.

Manchester United oo muddo dheer ahayd kooxda ugu wanaagsan horyaalka Premier League, uguna guulaha badan, ayaa hoos usii socotay tan iyo sannadkii 2012 oo ahayd waqtigii uu Sir Alex Ferguson hawlgabka ka noqday kooxdaas.

Ferguson oo u qaaday Manchester United 13 horyaal oo Premier League ah muddadii u dhaxaysay 1992kii illaa 2012kii, ayaa waxay hadda koob la’aan yihiin shan sannadood oo xidhiidh ah oo aanay wax koob ah qaadin ha weynaado ama ha yaraadee.

Waxa kale oo uu Ferguson u qaaday laba Champions League, shan FA Cup iyo afar League Cup, waxaanu ka dhigay naadiga ugu qiimaha badan dunida waqtiyada qaarkood iyo naadiga ugu guulaha badan illaa hadda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Graeme Souness oo u ciyaari jiray Liverpool ayaa dhibaatada Manchester United ku eedeeyey mulkiileyaasha, waxaana uu sheegay in tobankii sannadood  ee ugu dambeeyey ay qaateen go’aamo aad u liita.

Waxa uu tusaale usoo qaatay labada ciyaartoy ee Juan Mata iyo Phil Jones oo uu sheegay inay caddayn yihiin fashilka Red Devils, waxaanu rumaysan yahay in ay ahayd in aanay ciyaartooyo kubaddoodu sidaas dhulka u gashay aanay ahayn inay ka ciyaaraan Old Trafford.

Graeme Souness oo sharraxaad dheeraad ah sii bixinayay ayaa waxa uu sheegay inuu aad ula yaabay Manchester United markii ay sannadkii 2019 heshiiska cusub ka saxeexday Juan Mata, kaddibna ay mar kale isaga oo kursiga kaydka fadhiya ay heshiiska cusub siisay sannadkii 2021.

Waxa kale oo kasii yaabiyey, in Phil Jones uu illaa hadda  sii joogo Old  Trafford isaga oo ku dhowaad saddex sannadood aan wax kubbad ah ciyaarin oo dhaawacyo u jiifay, haddana ay uga saxeexeen heshiis cusub oo kusii haynaya Old Trafford illaa sannadka 2023.

Leave a Reply