Badhan (Dawan) Masuuliyiinta dawladda hoose ee degmada Badhan ayaa waxa ay shalay degaanka Gumar oo hoos timaada degmada Badhan ka dhagax dhigeen xarun caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah.
Xaruntan hooyada iyo dhalaanka ee laga bineynayo degaanka Gumar ee degmada Badhan ayaa laga maalgelin doona kabka saddex biloodka ee dawladda hoose.
Mid ka mida masuuliyiinta dawladda hoose ee degmada Badhan, oo munaasibadii dhagax dhiga hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay wax weyn ka tari doonto adeeg bixintii caafimaad ee degaanka Gumar, isla markaasna si deg deg ah looga jawaabay dalabkii bulshada uga yimid.
Waxaanu yidhi.“Saaka waxaan halkan u nimid in aanu u dhagax dhigno xarun caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah oo degaanka Gumar ay leedahay, waanu idinka ajiibnay codsigiini ahaa in baahi caafimaad ay degaankan ka jirto.”
“Xaruntan hooyada iyo dhallaanka ee degaankan laga bineeyay maanta baahi weyn ayaanu u qabnay, iyada oo wax weyn ka tari doonta adeeg bixintii caafimaad ee degaankani ka jiray”Ayuu yidhi mid ka mida odayaash degaanka ee degmada Badhan.