Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa olole nadaafadeed ka fuliyey Laag biyo mareenna

0
412

Hargeysa (Dawan) Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa olole nadaafadeed ka fuliyey Laag biyo mareenna oo u dhow xerada ciidanka xeebaha ee magaalada Hargeysa.

Laagtan ay ciidamada ilaalada xeebuhu nadiifiyeen ayaa ah mid xiliyada roobka ay dhibaato ka qabsan jirtey bulshada, iyadoo ay xidhi jireen qashin caqabad ku noqon jirey biyaha laagtaasi mara.

Howlagalkan nadaafadeed waxaa si wada jira u fuliyey xubno kamida ciidanka ilalaada xeebaha Somaliland, waxaana hor kacayey qaar kamida saraakisha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

Ugu danbayn taliyaha ciidanka xeebaha Somaliland Admiraal Axmed Hurre Haariye ayaa u mahadceliyey ciidanka fuliyey ololahaas nadaafadeed, waxa aanu intaa ku diray in ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliland diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan arrimaha la xidhiidha nadaafada.

 

 

 

Leave a Reply