Qaar ka mida Guddida Wanaag Farista oo magaalada Hargeysa tabbabar loogu soo xidhay

0
245

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa magaalada Hargeysa   tabbabar ugu soo xidhay xubnaha guddidaas ee gobolka Maroodijeex.

Tabbabarkan oo socday muddo laba maalmooda ayay xubnaha guddidaas ka tirsani ku qaadanayeen sidii kor loogu qaadilahaa fidinta dacwada ee xubnaha guddida wanaag farista ee gobolka Maroodijeex, waxaana xidhitaankii tabbabarkaasi hadal ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Ismaaciil Iid iyo Dr. Ciise Maxamuud oo ka mida guddidaas, waxaanay xubnihii tabbabarkaas qaatay u soo jeediyeen inay arrimaha dacwada kaga shaqeeyaan casharashadii la baray.

Guddoomiyaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Muuse Jaamac Cabdi, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada tabbabarkani tahay in kor loo qaado aqoonta xubnaha guddida wanaag farista, waxaanu intaas ku daray in ay siiwadi doonaan tabbabarada la xidhiidha kor u qaadida iyo fidinta dacwada.

Sheekh Muuse Jaamac Cabdi guddoomiyaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somlailand waxa uu uu guud ahaan bulshada Somaliland u soo jeediyay inay ilaashadaan nabada, xasiloonida iyo wada jirkooda.

Leave a Reply