Dhibaatada Dhaawaca Maskaxda

0
259

Daraasad ay sameeyeen khubaro ka socotay  jaamacadda lagu magcaabo  Hokkaido University ee dalkaasi  Japan ayaa lagu sheegay in shan arimood ay saamayn ku leeyihiin maskaxda, kuwaasi o ku kena dhaawac xoogan.

Dhaawacyadaasi ayaa sheegeen inay sababi karto inuu qofku waasho ama u noqdo mid ay ku badan tahay ilawga iyo fahamka maskaxdiisu.

Waxaanay kooxdan khubarada ahi soo saareen liis ay kusoo qoreen arrimaha ay sheegeen inay dhaawaca soo gaadhsiiyaan maskaxda dadka,waxaana kaalinta koowaad galay Fuud Baxa ama biyo la’aanta oo ay sheegeen inay maskaxda wax badan u dhinto, waxa isaguna kaalinta labaad galay Cabitaanka Sigaarka oo ay cadeeyeen inuu madoobeeyo  qaybo badan oo jidhka ka mid ah xidhiidh toosana la leh maskaxda.

Kaalinta saddexaad ayay geliyeen  hurdo la’aanta oo ay sheegeen in suntii maskaxda laga maydhi lahaa waqtiga la hurdo inay noqonayaan kuwo ku kaydsama halkaasi taasina ay keento dhaawaca ku yimaada maskaxda,

Waxaana ay ku taliyeen in qofku seexdo hurdo ku filan habenkii. Kaalmaha kalena waxa iyaguna galay daroogooyinka kale ee la isticmaalo iyo khamriga oo noqday kuwo maskaxda dhibaato soo gaadhsiiya,

Cilmi baadhayaashan ayaa sheegay inay arrimahan keenaan in neerfaha maskaxda ay dhintaan , taasina ay keento in dhaawac  soo gaadho maskaxda oo ay hawsheeda gabto.

Leave a Reply