Jurgen Klopp oo Shaaciyey Afar Boos oo uu ka Ciyaari Karo Diog Jota

0
337

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa war fiican ku tilmaamay heshiiska cusub ee waqtiga dheer ah ee ay kooxdiisu ka saxeexday weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota oo Salaasadii qalinka ku duugay qandaraas cusub oo soconaya illaa sannadka 2027.

Diogo Jota oo laba sannadood ka hor ay Liverpool £45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Wolves ayaa kordhiyey tirada sannadaha uu sii joogayo Anfield iyadoo sidoo kalena si weyn sare loogu qaaday mushaharkiisa.

Tababare Jurgen  Klopp oo ka falceliyey heshiiskan ayaa amaan kula dul-dhacay laacibkan oo uu tilmaamay afar boos  oo kala duwan oo uu ka ciyaari karayo, waxaanu ku tilmaamay warkii ugu fiicnaa ee uu maqli lahaa.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta ayuu yidhi: “Dhamaanteen waynu aragnay wixii uu Diogo kusoo kordhiyey kooxdan tan iyo markii uu yimid, sidaa darteed waa war wanaagsan inuu saxeexay heshiis cusub. Aad iyo aad buu u fiican yahay warkaasi.

“Tayooyinkiisu way cad yihiin. Goolal ayuu dhaliyaa – si aan la rumaysan karin ayuu ula shaqeeyaa kooxda, cidhiidhi ayuu geliyaa kooxaha, waxaanu u weerar tagaa si aanad malayn karin. Waxa uu ka ciyaari karaa dhamaan boosaska weerarka, waxaanu leeyahay shaqsiyad cajiib ah.”

Afarta boos ee weerarka ee uu tilmaamay Jurgen Klopp ayaa ah weerarka dhexe ee tooska oo ah booska dabiiciga ah ee uu inta badan ka ciyaaro, labada garab ee midig iyo bidix iyo sidoo kale in uu noqon karo 9ka beenta ah.

Xilli-ciyaareedkii tegay ayuu dhaliyey 21 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaana uu tiir-dhexaad u ahaa guulihii FA Cup iyo Carabao Cup ee ay xilli ciyaareedkii tegay ku guuleysteen isaga oo sidoo kalena ka caawiyey inay yimaaddaan finalka Champions League iyo in horyaalka ay hal dhibic oo kaliya kaga qaaddo Manchester City.

Leave a Reply