Arsenal oo Iska Diri Doonta 11 Xiddig ka Hor inta aanu Xidhmin Suuqa Xagaagu

0
229

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay iska iibinayso ugu yaraan 11 xiddig inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Mikel Arteta ayaa ku mashquulsanaa xoojinta kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub isaga oo kooxda keenay xiddigaha Gabriel Jesus, Oleksandr Zinchenko, Fabio Vieira, Matt Turner & Marquinhos.

Dhanka Arsenal waxa ka tagay 6 xiddig kuwaasoo kala ah Alexandre Lacazette, Konstantinos Mavropanos & Matteo Guendouzi halka 7 xiddig oo kale lagu diray qaab amaah ah.

Si kasta ha ahaatee The Sun ayaa sheegaysa in ay 11 Xiddig oo kale ka tagi doonaan kooxda Arsenal kuwaas oo aan ku jirin qorshaha tababare Mikel Arteta.

Xiddigaha Bernd Leno iyo Lucas Torreira ayaa ah xiddigaha ugu horeeya ee haatanba kooxda ka tagay iyaga oo ku kala biiray Kooxaha Fulham iyo Galatasaray.

Xiddigaha Nicolas Pepe, Hector Bellerin, Ainsley Maitland-Niles, Pablo Mari, Reiss Nelson & Alex Runarsson ayaa ka mid xiddigaha ay kooxdu iska diri doonto.

Leave a Reply