Horyaalka Kooxaha Heerka Koowaad ee Kubadda Koleyga oo ka Furmay Garoonka Tima-cadde

0
277

Horyaalka kooxaha heerka koowaad ee kubadda koleyga caasimadda Hargeysa ayaa habeen hore ka bilaabmay garoonka Tima-cadde.

Horyaalkan kooxaha heerka koowaad ee kubadda koleyga caasimadda oo ay ka qaybgalayaan siddeed kooxood oo ka dhisan caasimadda.

Kulankii koowaad ee horyaalka heerka koowaad ee caasimadda ayaa waxa wada ciyaaray kooxaha Gaashaan iyo Komishanka Xakameynta Aids-ka.

Ciyaarta labada kooxood oo ku bilaabantay dardar iyo xamaasad badan oo ay labada kooxoodba ku muujiyeen awooddooda kubaddeed.

ugu dambayn labada kooxood ee Gaashaan iyo Komishanka Xakameynta Aids-ka ayaa ku idlaatay 63 dhibcood oo ay ku adkaatay Gaashaan iyo 24 dhibcood oo ay keentay kooxda Komishanka Xakameynta Aids-ka.

Leave a Reply