Riyada Xun Iyo Arrimaha Sababa!

0
323

Maamulihii hore ee Ururka Hurdada Ingiriiska  Dr.Neil Stanley oo u warmayay Wargeyska “The Independent “ ayaa sheegay in heerkulka qolka hurdada marka u aad u sareeyo uu dhibaato ku keeno  dadka seexda, waxa kale oo dhacda inay ku riyoodaan muuqaalo riyo oo khariban oo naxdin xambaarsan.

Stanley wax uu si kooban u yidhi : “Si aan hurdo wanaagsan u helno, waxaa wanaagsan inaan ogaano heerkulka jidhkeenna, kaasi oo caadi ahaan gaadha 370C.  Iyadoo wejiga iyo madaxuna loo baahan yahay in hal derejo ka hooseeyo. Haddaba marka aad seexato  qol aad u kulul jidhkaagu ma lumin karo heerkulka loo baahan yahay.” Waxa kale oo oo u Ka digay in goor danbe oo habeenka ah raashinka la qaato kaasi oo kordhin kara heerka kulka.

Golaha Hurdada ee Ingiriiska ayaa iyagun talooyin soo saaray talloyinkan: “Ilaali heerkulka dhexdhexaadka ah ee qolka hurdada, marka uu kulaylku badan yahay ama qobowgu daran yahay, si wanaagsan uma seexan kartid.”

Leave a Reply