Robert Lewandowski oo Hanjabaad Culus u Diray Real Madrid

0
314

Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski ayaa diray farriin culus markii maanta lagu soo bandhigay gudaha  garoonka Camp Nou isaga oo ku labbisan garanka No.9 ee Barcelona oo looga saaray Memphis Depay.

Laacibkan oo Barcelona ay kasoo iibsatay Bayern Munich xagaagan, isla markaana kooxdiisa cusub kula midoobay Maraykanka, ayaa waxa uu diray farriin culus oo hanjabaad ah, waxaanu sheegay in da’du ay kaliya tahay tiro oo aanay isaga waxba yeeli doonin inkasta oo uu hadda ayahay 33 jir.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay ayuu yidhi: “Salaan diirran taageereyaasha Barca, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan joogo. Way adag tahay in aan helo ereyo aan ku cabbiro wixii maanta ka dhacay garoonka [waxa bandhiggiisa yimid in ka badan 59,000 qof]. Aad ayaanan u faraxsanay.

“Waxa aan doonayaa in aan taageereyaasha siiyo wax u dhigma soo dhoweynta ay isiiyeen. Waxa aan hubaa in aan wax badan qaban doono oo aan goolal badan dhalin doono, idinkana farxin doono.

“Sannadihii ugu dambeeyey ma ahayn kuwo u fiicnaa Barcelona, balse waxa aan la hadlay Joan waxaanan arkay mashruuca iyo jihada ay kooxdu doonayso inay u dhaqaaqdo. Kooxdu waxay leedahay ifafaale ay guulo badan ku gaadhi karto waxaanan ku arkay tababarka.”

Lewandowski ayay da’diisu noqon doontaa 34 jir dhamaadka bishan aynu ku jirno, hase yeeshee waxa uu ku dooday in aanay taasi ka dhignayn in ay hoos u dhacayso kubaddiisacagta iyo

Leave a Reply