Chelsea oo Xaqiijisay inay Dhamaystirtay Saxeexa Marc Cucurella

0
249

Kooxda Chelsea ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxeexa xiddiga difaaca ka ciyaara ee Marc Cucurella kaas oo ay kala soo wareegtay Brighton.

Blues ayaa xiddiga Marc Cucurella ka dhigtay saxeexeedii shanaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay saxeexiisa ku garaacday kooxda Man City.

Xiddiga Marc Cucurella ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Stamford Bridige.

Chelsea ayaa xiddiga Marc Cucurella ka soo bixisay lacag rikoodh ah taas oo ku kacaysa 63 milyan oo euro kana mid dhigtay daafacyada ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Xiddiga Marc Cucurella ayaa noqday saxeexii shanaad ee kooxda Chelsea kadib Carney Chukwuemeka, Raheem Sterling, Kalidou Koulibaly iyo Gabriel Slonina.

Leave a Reply