Wefti uu Hogaaminayay Badhasaabka Sool oo Gaadhay Degmadda Boocame oo Xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya u Jirta 7 KM

0
326

Boocame (Dawan): Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo ay wehelinayeen saraakiil ciidamadda qaranka Somaliland ka tirsan ayaa gaadhay degmadda Boocame.

Sidoo kale safarkaasi waxa kaloo badhasaabka ku wehelinayay maayarka magaaladda Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, taliyeyaasha aagga barri ee jiidda hore, xubno ka socday agaasimeyaasha wasaarradaha iyo laamaha dawladda ee gobolka Sool.

Weftigaasi oo Khamiistii Dorraad safarka ku tegay Boocame, iyo deegaamadda hoos yimaadda, ayaa markii ay gaadheen degmadda Boocame, waxaa halkaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshadda deegaamadaasi oo sitay caleemo Qoyan iyo calanka jamhuuriyadda Somaliland.

Kuwaasoo dhawaaqayay erayo ay ku muujinayeen soo dhawayntoodda, isla markaana ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin weftigan uu hogaaminayay badhasaabka Sool oo booqashadda ugu yimid.

Waxa kaloo ay weftiga badhasaabku soo mareen deegaamadda Far-dhidin, Karin-karfood, oo xuduudka uu Somaliland la leeyahay Soomaaliya u jirra 6KM, taasoo muujinaysa in jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda gacanta ugu hayso xuduudkeedda.

Badhasaabka Sool ayaa uga mahad celinayay bulshada deegaankaasi oo si weyn oo qiimo leh u soo dhaweeyey. Waxaanu guddoomiyuhu warbixino kala duwan ka dhagaystay odayaasha, iyo waxgaradka deegaamadda Boocame, Far-dhidin, Karin Garfood iyo meelihii kale ee ay soo amreen.

C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa safarkaasi ku tilmaamay safarkii guusha, isagoona bulshadda deegaamadaasi u balan qaaday inay helayaan wixii jamhuuriyada Somaliland addeegyo uga baahan yihiin dhamaanba baahiyaha aasaasiga ah.

Badhasaabka oo ka warbixinayay u jeedadda socdaalkoodda, iyo sidoo kale waxyaabihii u qorshaystay inuu wax ka qabto oo uu muhiimadda siiyo markii uu madaxweynaha Somaliland u soo magacaabay badhasaabnimadda.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu halkan u nimid, oo aanu xadhiga u jarnay, waxa weeyaan lexejecladda aanu ka leenahay shacabka iyo dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan degmadda Boocame. Markii uu madaxweynaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ii soo magacaabay, markii aan gobolka Sool imid, waxaan go’aansaday saddex arrimood oo qudha. Marka koowaad, in aan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Sool, ku xukumo Caddaalad.

Mar labaadka in dhamaanba beelaha walaalaha ee wax kala tirsanaya, aan ka shaqeeyo nabad-geliyadoodda. Ta saddexaad ee hoosta ka xariiqnayd waxay ahayd, in aan xuduudda istaago, aniga iyo dhamaanba madaxda kala duwan ee gobolka Sool, maanta na (Khamiistii), aynu taagan nahay degmadii laga xukumayay xuduudka, oo ah degmadda Boocame”.

“Waxa aan la’aantood la na tegeen, suurto-gal na aanay ahaateen ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland. Mudane madaxweyne haddii la odhan jiray Boocame cidi ma tegi karto, Soomaaliya ayaa haysata, Puntland baa ka Talisa, maanta waad aragtaayoo Deerro-deerro kuma herdiyin. Waxaan balan qaadayaa, in aanay dhici doonin in inta Shaadh la idiin soo xidho, oo shacabkayaga lagu xasuuqo, in aanay dhacaynin maanta iyo maalin kale toonna” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale qaar ka mid ahaa waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Boocame, oo madashii ay badhasaabka gobolka Sool ku soo dhaweeyeen ka hadlay ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhawaynayaan

Xubnihii madax dhaqameedka, waxgaradka iyo odayaasha ahaa ee reer Boocame, ee badhasaabka Sool iyo weftigiisa soo dhaweeyay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay dhamaantood ba si buuxda u soo dhawaynayaan weftiga.

“Waxaan halkan ku soo dhawaynaynaa guddoomiyaha gobolka Sool, iyo weftiga uu hogaaminayo, oo ka kooban maayarka Laascaanood, saraakiisha ciidamadda qaranka, iyo dhamaanba masuuliyiinta kale ee weftiga la socda. Waxaanan leeyahay soo dhawaadda.

Weli ba waxaan idiin sheegayaa maalintii uu badhasaabku yimid Sool, waxaa go’ay xadhigii xanibnaa, ee ku kala dhex xidhnaa degmadda Boocame, iyo gobolka Sool, oo xadhigaasi wuu furtay, isagaa na (badhasaabka) furray” ayuu yidhi, mid ka mid ahaa waxgaradkii soo dhaweeyay weftiga badhasaabka.

Sidoo kale waxaa soo dhawayntaasi ka qayb qaatay Haweenka degmadda Boocane, kuwaasoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadda uu ugu yimid, Haweenay ka mid ahayd dadweynihii weftiga badhasaabka soo dhaweeyay ayaa dareenkeedda sidan ku cabirtay.

“Halkan waxaanu ku soo dhawaynaynaa weftigan uu hogaaminayo badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyo dhamaanba xubnaha la socda. Anaga (bulshadda Boocame), hadeer wuxuu nooyahay Diirshe. Diishe weeye, isaga ayaanu soo dhawaynaynaa, meel walba na wuu marayaa. Sagaalkii bilood ee uu Laascaanood joogay, waxyaabo badan ayuu ka bedelay, oo waala yaaban yahay, isaga iyo maayarka Laascaanood.

Waxaanan leenahay, soo dhawaadda Diirsheyaal, hore na u sii socda” sidaasi waxaa tidhi Haweenay ka mid ahayd boqolaalkii dadweynaha ahaa ee sida diiran degmadda Boocame ugu soo dhaweeyay weftigan uu hogaaminayay badhasaabka Sool.

Qaar ka mid ahaa saraakiishii ciidamadda qaranka Somaliland ee Aagga Barrio o iyagna la hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa sheegay in ay ciidan ahaan ka go’an tahay in ay difaacaan shacabka iyo xuduudka Somaliland.

Dhinaca kale, waaa markii u horaysay oo wefti miisankan leh oo ka socda xukuumadda Somaliland uu tago, isla markaana si weyn oo aan loo kala hadhin ay u soo dhaweeyaan qaybaha kala duwan ee bulshadda degmadda Boocame, oo ka tirsan gobolka Sool.

 

 

Leave a Reply