“Xukuumaddu Waxay Garab Taagan Tahay Diinta Islaamka

0
251

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in xukuumadu diyaar u tahay weynaynta shacaa’irka islaamka, isla markaana garab taagan yihiin culimada dalka.

Md. Saleebaan oo ka hadlayey madal loogu magac-daray Barkulanka Ibnu Khalduun nabada Iyo Horumarka oo culimada iyo siyaasiyiinta dalka hadalo ka jeediyeen ayaa bulshadii ka soo qeybgashay hogatusaaleeyeen muhiimada ay leedahay nabadgelyada, uguna baaqay inay gacmaha isu-qabsadaan ilaalinteeda.

Wasiir Koore ayaa sheegay in dalka Somaliland nabadu qiimo weyn ku joogto waxaan xusuustaa Hargeysa oo meel la fadhiisto aan lahayn, waa muhiim in dhalinyarada taariikhda dalku soo maray loo gudbiyo.

“Dad baa yidhaahda Somaliland nabada way caabudaan? Ma caabudno, laakiin qiimo weyn ayey noogu fadhidaa.

Waxuu kula dardaarmay dhalinyarada inay dalka iyagu leeyahin, kana shaqeeyaan horumarkiisa, iyo ilaalinta nabadgelyadiisa

 

 

 

 

Leave a Reply