Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Hortagay Golaha wakiillada

0
408

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Dr. Sacad Shire, oo hortagay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay guddida la qaateen ay ahayd geedi socodka diyaarinta maasiniyada horumarinta Qaranka oo hadda wakhtigeedii taagan.

Sidoo kale wasiirka maaliyadu waxa uu sheegay in shilinkasta oo ku jira miisaaniyada Qaranka uu suntan yahay.

Waxaanu yidhi.“Waxa aanu la kulanay guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland, kulankaasi oo ujeedadiisu ahayd geedi socodka diyaarinta miisaaniyada 2023-ka nidaamka maamul wanaaga maaliyada ayaa waxa uu nafaraya in aanu xog siino xilligan oo kale guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland, oo aanu kaga hadlayno xaalada dhaqaale halka ay marayso, iyo xaggay u socoto, iyo saameynta miisaaniyada uu ku yeelan karro.

Miisaaniyada shilinkasta oo ku jira waa uu suntan yahay meelaha wuu gala meela wuu ka yimaada aniguna ma leexin karro, handaraabna ma noqon karro marka anigu miisaaniyada ayaan ku ilaalinay

 

 

Leave a Reply