Lampard Waa inuu Helaa Weeraryahan, Haddii Kale Xilli Ciyaareedka Everton Khatar Buu ku Jiraa

0
200

Everton wax wanaagsan ayay samaysay, inkastoo ay xilli ciyaareedka ku bilaabatay guuldarro 1-0 ah oo ay gurigeeda kala kulantay Chelsea, laakiin waa dhacdo la xalin karayo, guul-darrada ku haleeshay Goodison Park.

Sida ay baahisay BBC Sports, iibintii ay kooxda Everton iibisay laacibka la holin waayay ee Richarlison ayay madaxda kooxdu dareemayaa inay u laangadhaynayaan, lugtiisii iyo kubaddiisii, waxaana waajib ku ah kooxda iyo masuuliyiinteeda iyo khabiiradeedaba inay degdeg u xaliyaan mushkiladaa kasoo waajahday waayintaanka Richarlison laacibka reer Brazil haatan 60-ka milyan ay siisatay kooxda Tottenham, isla markaana ay ku xoojisay weerarkeeda afka hore.

Kooxda Everton oo shalay ciyaar ka mid ah bilawga premier league ku qaabishay garoonkeeda kooxda Chelsea ayaa laga dareemayay inay saamaysay maqnaanshaha laacibka weerarka ka ciyaara ee Richarlison ee ay suuqan xagaaga lacagta badan ka siisay kooxda Tottenham.

Ugu dambayn guul-darradan ay ku bilaabatay kooxda Everton xilli ciyaareedkan cusubi, waxa uu ku qasbayaa inay suuqa dib u gasho, isla markaana ay soo iibsato laacibiin ay ku xoojiso dhinac kasta oo ka mid ah awoodda kooxda.

Leave a Reply