Harry Redknapp oo Magacaabay 5 Koooxood oo ku Guulaysan Kara Premier League

0
192

Harry Redknapp ayaa sheegay in horyaalka Premier League uu yahay mid si weyn u furan xilli ciyaareedkan isaga oo magacaabay shanta kooxood ee uu aaminsan yahay in ay ku guulaysan karaan horyaalka.

Xilli ciyaareedka premier League ayaa bilowday jimcihii iyada oo kooxaha Arsenal, chelsea iyo Tottenham dhamaantood badiyeen halka ay Liverpool ku hor kuftay kooxda Fulham.

Tababarihii hore ee Premier League Redknapp ayaa saadaaliyay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka prmeier League laakiin ay tartan adag kala kulmi doonaan kooxaha Man City, Chelsea, Tottenham iyo Arsenal.

“Waxa aan dareensanahay inuu sanadkan noqon doono sanadkii Liverpool” ayuu Redknapp u sheegay GB News.

“Waxaan u malaynayaa inay Liverpool ku guulaysan doonto, waa koox cajiib ah waxaanay muujisay xilli ciayareedkii hore”.

“Laakiin waxa jiri doona kooxo kale oo kula tartami doona horyaalka, Tottenham waxaanu aaminsanahay inay ku dhamaysan doonto kaalinta 3-aad sidoo kale Man City, chelsea iyo Arsenal ayaa ku tartami doona horyaalka”.

Leave a Reply