Manchester United Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Marko Arnautović

0
416

Kooxda Bologna ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United ka diiday dalab ay Red Devils si lama filaan ah uga gudbisay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Marko Arnautović sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka Cristaino Ronaldo kadib markii uu xiddigu dalbaday in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Erik Ten Hag ayaa Xiddigii hore ee West Ham iyo Stoke City ka dhigtay bartilmaameed uu ku xoojin karo kooxdiisa ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Saxafiga Gianluca Di Marzio ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Man United dalab Rasmi ah oo 8.5 milyan oo euro ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Marko Arnautović.

Laakiin Kooxda Bologna ayaa isla markiiba diiday dalabkaas ay Man United ka gudbisay saxiixa xiddiga Marko Arnautović.

Leave a Reply