Liverpool oo si Lama Filaan ah ugu Dhaqaaqday Halbowlaha Inter, ka dib Dhaawicii Thiago Alcantara

0
314

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa diyarinaysa dalab ay ku doonayso xiddig laf-dhabar u ah Inter Milan oo ay xagaagan saxeexiisa u dhaqaaqayaan kaddib markii uu shalay ka dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara oo ka baxay kulankii Fulham.

Jurgen Klopp ayaa hore u sheegay in aanu waqtigan diyaar u ahayn in uu sameeyo saxeexyo, laakiin haddana bixiyey qish ah in aanu meesha ka saarayn oo ay duruufaha ku xidhan tahay maadaama uu suuqu furnaanayo illaa dhamaadka bishan August.

Taageereyaasha Inter Milan ayaa dalbaday in kooxdu ay samayso saxeexyo degdeg ah oo waliba khadka dhexe ah intii ay socotay ciyaartii Fulham oo bandhig aad u liita ay Liverpool la timid, taas oo kaliya ay taam u ahaayeen  Jordan Henderson, Fabinho iyo Thiago Alcantara oo uu laacibkan dambe dhaawac ku baxay.

Saddexdan ciyaartoy ee Henderson, Fabinho iyo Thiaga ayaa awoodi waayey in ay iska dhiciyaan Harrison Reed, Joao Palhinha iyo Andreas Pereira oo ka qabsaday khadka dhexe, waxaase dib usoo nooleeyey Harvey Elliott oo beddel kusoo galay.

Sida ay saxaafadda Ingiriisku sheegtay, Jurgen Klopp iyo maamulka Liverpool ayaa waxay hadda diyaarinayaan dalab ay ku doonaynaan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Inter Milan ee Marcelo Brozovich oo ay doonayaan in xagaagan ay kusoo kordhiyaan safkooda, balse waxa kale oo jira warar sheegaya in sidoo kale uu Klopp xiisaynayo Nicolas Barella oo isaguna Inter Milan u ciyaara.

Brozovich oo ay da’diisu tahay 29 jir ayaan la sheegin qiimaha ay Liverpool ku doonayso, hase yeeshee waxa la rumaysan yahay in ay miiska la fadhiisan doonaan Inter Milan oo ay kala xaajoon doonaan qiimaha suurtogalk ah.

Warka ayaa intaa ku daray, in Klopp aanu kalsooni badan ku qabin Naby Keita oo dhaawacyada u nugul isla markaana qandaraaskiisa Anfield sannad kali ahi ka hadhsan yahay.

Leave a Reply