Kulamada Adag ee Xidhiidhsan ee kusoo Waajahan United oo la Miyir-doorsan Guul-darradii Sabtidii

0
257

Manchester United ayay kusoo wajahan yihiin kulamo adag oo xidhiidh ah xilli ay wali la murugaysan tahay guul-darradii ay ku bilaabatay horyaalka Premier League ee Axaddii ay Brighton 2-1 ugu xambaarisay Old Trafford, taas oo qaybtii hore ay burburiyeen laba gool oo uu ka dhaliyey Pascal Gross.

United ayay xaaladdeedu sii xumaan kartaa bilaha soo aaddan, waxaana Old Trafford kusoo booqan doona kooxo adag, ka hor inta aan la gaadhin fasaxa uu siinayo Koobka Adduunka ee dhamaadka bishan qabsoomaya.

Ten Hag ayay kooxdiisu waajihi doontaa cadowgeeda ugu weyn oo ah Liverpool marka ay taariikhdu tahay August 22, waana habeen Isniin ah oo ay indhuhu labadooda oo kali ah kusii jeedi doonaan, iyadoo la ogyahay in ciyaartoodii ugu dambaysay ay Liverpool 5-0 ku xasuuqday iyada oo bilowgiiba uu kaadh casaan ah qaatay Paul Pogba.

Kaddib waxay United safar ugu bixi doontaa Southampton iyo Leicester City, marka ay kasoo noqdaanna waxay martigelin doonaan Arsenal oo booqanaysa September 4, hase yeeshee ciyaarta kale ee aadka indhaha loogu hayo ayaa waxay tahay Leeds United oo iyadana ay foodda is-dari doonaan September 18.

Saddex maalmood gudahood ayaa sidoo kale ay garoonka Old Trafford kula ciyaari doonaan kooxaha Newcastle United iyo Tottenham badhtamaha bisha October, waana bil adag oo sidoo kale ay safarro ugu bixi doonto Manchester City, Everton iyo Chelsea kaddib marka ay Old Trafford ku martigeliyaan West Ham United, hase yeeshee maalmo ka hor inta aan loo bixin Koobka Adduunka ayay foodda is-dari doonaan Nottingham Forest iyo Bournemouth, waana kulamo kasoo horreeya ciyaarta Man City ee Old Trafford.

Kulamadan waxa u dhex socon doona Europa League iyo sidoo kale Carabao Cup, waxaana uu Erik ten Hag saddex bilood gudahood ku mari doonaa imtixaan adag oo aan waligii soo marin intii uu ku jiray shaqada tababarenimada.

Leave a Reply