Shirkadaha Isugu soo Hadhay Qandaraaska Suuqa Waaheen

0
269

Hargeysa (Dawan)- Guddida Qandaraasyada qaranka Somalialdn ayaa shalay ku dhawaaqay Liiska shirkaddaha ka soo gudbay qiimeynta hordhaca ah (𝐩𝐫𝐞𝐪𝐮𝐚𝐥𝐢𝐟𝐢𝐜𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐰𝐨𝐫𝐤𝐬) ee dhismaha Suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed oo ay wehelinayaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Suuqa Waaheen Mudane Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Muuse Ibraahim Salaf ayaa saxaafada la wadaagay liiska shirkadaha iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Qiimeynta waxaa loo maray Xeerka Guddida Qandaraasyada Qaranka 𝐋.𝐫 𝟖𝟐/𝟐𝟎𝟏𝟖 iyo habraacyada kala saarista iyo qiimeynta hordhaca ah (𝐏𝐫𝐞𝐪𝐮𝐚𝐥𝐢𝐟𝐢𝐜𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐰𝐨𝐫𝐤𝐬) ee Guddida Qandaraasyada Qaranka. Shirkadduhu waxa ay u gudbayaan wareega labaad ee tartanka mashruuca. Shirkaddaha hoos ku xusan ee ku soo baxay, waxaa loo diri doonnaa waraaq rasmi ah oo qeexaysa qaadashada buugta iyo shuruudaha tartanka ee kan ku xiga.

  1. Uegen Projeve Endustri Urunleri San Ltd (𝑻𝒖𝒓𝒌𝒆𝒚)
  2. TNT Construction and Trading(𝑬𝒕𝒉𝒊𝒐𝒑𝒊𝒂)
  3. Unimpresa S.P.A. (𝑬𝒕𝒉𝒊𝒐𝒑𝒊𝒂/𝑰𝒕𝒂𝒍𝒚)
  4. Rama Construction Company (𝑬𝒕𝒉𝒊𝒐𝒑𝒊𝒂)
  5. Neal and bin Harmal Hydro-Export Company (𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅/𝑼𝑨𝑬)
  6. Consolidated Engineering Company (𝑫𝒋𝒊𝒃𝒐𝒖𝒕𝒊)
  7. Avic International Company (𝑪𝒉𝒊𝒏𝒂)
  8. Daryeel Construction Company (𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅)

 

Leave a Reply