Benzema oo kusii Dhawaanaya Hannashada Abaal-marinta Ballon d’Or, ka dib Guushii UEFA Super Cup

0
256

Karim Benzema ayaa kusii dhawaanaya Ballon d’Or isagoo u dhaliyay goolkii 324-aad ee kooxda heysata horyaalnimada Yurub ee Real Madrid iyagoo garaacay Eintracht Frankfurt, kagana guuleystay UEFA Super Cup.

Kooxda Carlo Ancelotti oo bishii May garaacday Liverpool kuna guulaysatay Champions League ayaa hogaanka ciyaarta qabatay markii David Alaba uu shabaqa soo taabtay, iyadoo goolhayaha Frankfurt Kevin Trapp uu  daba mariyay kubad uu madax ugu dhiibay Casemiro.

Benzema ayaa goolka labaad u dhaliyay kooxda reer Spain markii la isku soo laabtay qaybtii dambe ee ciyaarta ka dib markii uu markii ugu horaysay kubbad uu soo karoosay Vinicius Jr isaga oo kaalinta labaad kaga jira liiska gool-dhalinta Real Madrid isaga oo dhaafay Raul, waxaana ka dambeeyay oo kaliya Cristiano Ronaldo kaas oo dhaliyay 450 gool.

Benzema ayaa ku jira xilli ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa xirfaddiisa ciyaareed ee kubadda cagta isaga oo u dhaliyay 44 gool 46 kulan oo uu u ciyaaray Real Madrid isaga oo kooxdiisa ka caawiyay inay ku guulaysato koobabka champions League iyo La Liga laba jeer- waxaanu u muuqdaa mid sii wadanaya qaab ciyaareedkaas wanaagsan.

34-jirkan kabtanka u ahaa Real finalkii Super Cup-ka ayaa amaanay todobaadkan saaxiibkiisii ​​hore ee Ronaldo “Wuxuu iga caawiyay gudaha iyo dibadda garoonka”.

Ka dib goolkii uu dhaliyay Arbacadii ee Super Cup, Benzema ayaa kaalinta labaad kaga jira gool-dhalinta kooxda Real Madrid, isagoo ku xiga Ronaldo oo ah gool-dhaliyaha ugu sareeya taariikhda Real, waxaana uu ku hamiyayaa abaal-marinaha shaqsiga ah iyo sidoo kale abaal-marinaha kooxda, isagoo noqday musharaxa ugu cadcad ee ku guuleysan kara Ballon d’Or bisha October.

Leave a Reply