Kooxdu waxay u baahan tahay ciyaartoy tayo leh” Erik ten Hag

0
254

Tabobaraha  Manchester United Erik ten Hag ayaa sheegay in kooxdu ay u baahan tahay ciyaartoy tayo leh ka dib markii ay ka dhaadhacday heerkii kooxdu oo aanay awood ciyaareed lahayn xilligan.

United ayaa 4-0 ay ku garaacday kooxda yar ee Brentford ciyaarteedii labaad ee bilawga horyaalka Ingiriiska. afarta gool ayaa laga dhaliyay 35-kii daqiiqo ee ugu horeeyay wax dhibco ah malaha laba kulan oo Premier League ah ka dib.

Ninka reer Holland ee Ten Hag, oo xilka Old Trafford la wareegay bishii May, ayaa Sky Sports u sheegay in xaaladdu ay tahay “hannaan adag”.

“Waa inaanu la nidaamnaa qaab ciyaareed ka heer sarreeya ka aanu maanta (doraad) sameynay,” ayuu yidhi.

“Waxaanu ku jirnaa, koox ahaan, geeddi-socod adag, waxaanu filanay bilow ka duwan sidan,”

“Waxaan u baahanahay ciyaaryahano cusub, waxaan u baahanahay ciyaaryahano tayo leh, waanu ka shaqeyneynaa arrintaas, waxaanu sameyn doonaa wax kasta si aan ugu qancino inay yimaadaan kooxda”.

United ayaa tan iyo markii uu furmay suuqa kala iibsiga ciyaartoydu waxay ku howlaneyd ugaadhsi muddo dheer socday oo ay ku raadineysay ciyaartoy cusub, ka dib olole niyad jab ah oo sanadkii hore iyo guuldarro lama filaan ah oo ku habsatay iyadoo gurigeeda marti loogu yahay, kaasoo ay kala kulantay kooxda Brighton axaddii hore.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong ayaa ahaa bartilmaameedka ugu weyn ee Ten Hag laakiin 25 jirkan ayaa lagu soo waramayaa inuu doorbidayo inuu ku biiro Chelsea haddii uu ka tago Nou Camp.

U dhaqaaqista weeraryahankii hore ee Stoke iyo West Ham Marko Arnautovic ayaa waxa ka hor yimi falcelin xun oo kaga timi taageerayaasha waana laga tagay, sidoo kale waxay xiiseynayeen ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Adrien Rabiot.

“Kooxdu waa inay qaataan mas’uuliyadda, aad ayaan uga xumahay taageerayaashu waxay sameeyeen,” ayuu yidhi Ten Hag.

“Tabobaruhu sidoo kale isagaa mas’uul ka ah, isagaa leh mas’uuliyadda ugu weyn, aniguna taas waan qaadan doonaa oo waan ka shaqayn doonaa.”

Leave a Reply