Ciyaartoy Qiimo ahaa Taagan £55 Milyan oo Garaacay £424 Milayn, Waa Maxay Sababtu?

0
320

Qiimaha ay ku fadhiyaan ciyaartoyda Manchester United iyo kuwa Brenford ayaa la soo saaray maalin kaddib markii ay Red Devils guul-darrado xanuun kulul kala soo kulantay Bees oo ay ku booqatay garoonka Grech Community Stadium oo afar gool lagag dhaliyey, halka  iyaguna aanay waxba la imanin.

Qaybtii hore ayaa Manchester United laga dhaliyey afarta goolba, waxaana labada gool ee hore qaladkooda lahaa David de Gea, iyadoo afarta gool ee Brenford ay ku dhasheen 25 daqiiqadood gudahood.

Xiddigaha waaweyn ee Manchester United ee Cristiano Ronaldo, Harry Maguire iyo Bruno Fernandes ayaa garoonka dhexdiisa ku rafaadsanaa halka kuwa Brenford ay ku naalloonayeen farxad, bandhig heersare ah iyo marba gool ay u dabbaal-degayeen.

Telefishanka Sky Sports ayaa baadhitaan uu ku sameeyey ciyaartoyda labada kooxood iyo lacagaha kaga baxay, waxa uu kusoo bandhigay xog aan la rumaysan karin, iyo waliba sida ay lacagtu uga shaqayn weyday ciyaartii shalay ee Grech Community Stadium.

Xiddigaha ugu soo bilowday Manchester United ayay Red Devils kasoo bixisay lacag gaadhaysa £424 milyan oo Gini, waxaana ugu qaalisanaa Harry Maguire oo ah laacibka rikoodhka Red Devils ugu qaalisan oo £85 milyan oo Gini ay sannadkii 2019 kaga soo iibsatay Leicester City, halka uu Jadon Sancho ku jiro labad oo uu £73 milyan oo Gini ugu soo wareegay xagaagii hore.

Lisandro Martinez iyo Fred oo ku dhibaatooday kulankii shalay, lana beddelay waqtigii nasashada ayay United kusoo iibsatay £55 milyan oo Gini iyo £52 milyan oo Gini, sida ay u kala horreeyaan.

Marka la barbar-dhigo safka uu tababare Thomas Frank kusoo bilaabay ee guusha usoo hooyey Brentford, waxa dhamaantood amaba 11ka ciyaartoy ee ugu soo bilowday ay ku joogeen kaliya £55 milyan oo Gini, waxaana dhamaantood ka qaalisan Lisandro Martinez.

Afarta ciyaartoy ee Josh Dasilva, Mathias Jensen, Ben Mee iyo Bruyan Mbuemo ayaa dhamaantood ay Brentford kusoo iibsatay £10 milyan oo Gini oo kaliya.

Leave a Reply