Sannad kaddib markii ciidamada Maraykanka ay ka baxeen dalka Afgaanistaan, kala badh Maraykanka ayaa hadda sheegay in ciidammo loo diray markii horeba ay ahayd khalad.
Ra’yi ururin uu sii daayay Agoosto 29, Gallup ayaa ku soo beegantay sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay ka bixitaankii Maraykanku ka baxay Afgaanistaan bishii Ogosto 2021. Talaabada ka bixitaanka ayaa soo afjartay 20 sano oo ay ciidamada Maraykanku ku sugnaayeen dalkaa.
Laakiin ka bixitaanka degdega ah ayaa u sahashay Taliban in ay si degdeg ah dib ugu qabsato maamulka dowlada.
Maraykanka ayaa markii ugu horeysay soo galay Afgaanistan October 2002 ka dib weeraradii argagixisanimo ee Sebtember 11, isaga oo isku dayaya in uu meesha ka saaro xeryihii argagixisada ee loo ogolaaday in ay ka howlgalaan Afgaanistaan. Sannadkii 2002, qiyaastii 89 boqolkiiba dadku waxay ogolaayeen dagaalka Afgaanistaan . Sannadkan 2022, tiradaasi waxay hoos ugu dhacday 46 boqolkiiba.
Taa beddelkeeda, hadda boqolkiiba 50 dadka Gallup ra’yi ururintu waxay ku tilmaameen dagaalka khalad. Wax yar ka dib duulaanka, kaliya boqolkiiba 9 ayaa ku tilmaamay inuu khalad ahaa.
Dimuqraadiyiinta waxay aad ugu dhowaayeen Jamhuuriga inay ku tilmaamaan dagaalka Afgaanistaan inuu yahay khalad. Qiyaastii 58 boqolkiiba Dimuqraadiyiinta ayaa aragti xun ka qabay dagaalka 2022, marka la barbar dhigo boqolkiiba 37 ee Jamhuuriga.
Ra’yi ururin ay samaysay Gallup horaantii sanadkan, waxay ogaatay in dad yar oo Maraykan ah ay aragti wanaagsan ka qabaan Afgaanistaan. Boqolkiiba 12 keliya ayaa dalka u arkayay dhinaca wanaagsan. Taasi waxay wax yar uun ka horraysa aragtida ay dadku ka qabaan dagaal lagu qaado Kuuriyada Waqooyi oo ah in boqolkiiba10 ay ogol yihiin, halka Irana ay boqolkiiba 13 ay ogol yihiin duulaan Iran.