Wasiir Sacad oo war Bixiyay Kaalintiisii Aasaaska Jaamacada Burco iyo Ujeedada Machadka Maaraynta Abaaraha

0
332

Burco-(Dawan):-Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ka qeybgalay munaasibad lagu daah-furayey Xarunta Maaraynta Abaaraha Somaliland ayaa ka hadlay kaalintii uu ku lahaa abuuritaanka Jaamacada Burco.

Dr. Sacad oo ka hadlayey xarunta Jaamacada Burco ayaa sheegay inuu gacan ku lahaa hindisahii lagu yagleelayey Jaamacadda Burco, waxaanu sheegay in Jaamacada oo lagu furay sannadkii 2004-tii uu bilo horteed lacag u soo diray uu ku dalbanayey in cilmi-baadhis lagu sameeyo.

“Bishii May, 2004 ayaa imi Burco, waxaan la kulmay Guddigii Horumarinta Gobolka, waxaan ku idhi fasax soddon maalmood ah ayaan haystaa, mudadaa inaan ku furno Jaamacada Burco ayaan doonayaa, sidii ayey u dhacday,Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri ayaa bixisay kombuuterkii u horreeyey ee Jaamacada Burco yeelato.” ayuu  yidhi Dr. Sacad.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad oo ka hadlayey shaqo-la’aanta dhallinyarada ayaa sheegay in waajibka koobaad saaran yahay ganacsiga gaarka loo leeyahay oo dhaqaalaha dalka boqolkiiba 90% haya, inkastoo uu sheegay inay ka gaabiyeen kaalintoodii.

Mar uu ka hadlayey xaalada abaaraha dalka ayuu sheegay Dr. Sacad inay caalamka ula simman yihiin isbedelka ku yimi deegaanka iyo abaaraha soo noqnoqday, balse loo baahan yahay tallaabooyinkii ay xalkeeda u raadin lahayn, waxaanu yidhi,

“Waa inaynu la noolaano, isbedelka yimi, una diyaarsano hannaankii aynu u maareyn lahayn, waana ujeedada aynu machadkan u abuurnay.”

Wuxuu sheegay in ujeedooyinka ugu waaweyn ee machadka maaraynta abaaraha Somaliland ka shaqeyn doono ka mid yihiin maareynta Biyaha, dhulka iyo Xoolaha, tusaalena u soo qaato sida dunnidu u xalisay.

 

 

 

Leave a Reply