Wasiirka Maaliyadda oo soo xidhay shirweynahii Qaran ee Dhaqaalaha

0
220

Hargeysa-(Dawan):- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo soo gebagebeeyey shirweynahii Madasha dhaqaalaha ee heer Qaran ayaa sheegay inuu si weyn ugu mahadcelinayo qabanqaabiyeyaashii iyo dhammaan intii ka soo qeybgashay shirweynaha dhaqaalaha.

Wuxuu sheegay inay Sharaf u tahay dalkeena in shan iyo soddon khabiir ka qeybqaataan shirweynaha dhaqaalaha oo sannadkii koobaad qabsoomay, si xidhiidh ahna sannad walba u qabsoomi doona mustaqbalka.

Dr Sacad ayaa sheegay in ujeedada shirweynahu ahaa is-dultaaga heerka dhaqaale ee dalkeena, caqabadaha jira, iyo xalalkii looga bixi lahaa.

Todobada qodob ee lagaga dooday shirweynaha ayaa kala ahaa isku-filaanshaha cuntada, maalgashiga iyo warshadaha, ganacsiga iyo marinka, baananka iyo caymiska, macdanta iyo tamarta, kaabayaasha iyo deeqdaha.

Dr Sacad ayaa ku baaqay in xukuumada, ganacsatada iyo hay’adaha caalamigu iska kaashadaan caqabadaha jira xalkooda.

 

Xidhitaankii shirweynaha oo laga soo saaray war-murtiyeed labaatan qodob ah.

 

Leave a Reply