Magacyada ururrada shirweynaha qabsaday iyo go’aamo ka soo baxay guddida

0
363

“Shirweynayaasha ururradu waxay soo gebogeboobi doonaan maalinta axada ee taariikhdu…”Guddida

Qore Saleban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)Dalka waxa ka socda wajiga labaad ee kala reebista Ururrada siyaasadda ee dalka laga aasaasay, kuwaasoo loo diyaarinayo inay ka qaybgalaan Doorashada tooska ee lagu dooranayo saddex xisbi qaran ee Waddanku yeellanayo tobanka sanaddood ee soo socda.

Ururrada siyaasadda ee cusub ayaa ku guda jira todobaad hawl culus leh oo lagu kala saarayo nidaamka aasaaskooda iyo qaab-dhismeedkooda, waxaana si hamsami leh uga socda magaalada Hargeysa iyo qaar kamida caasimadaha gobolada dalka shirweyneyaasha ururrada halganka ugu jira inay ka qaybgalaan Doorashada asxaabta.

Inay qabsadaan Ururrada cusub ee la siiyey warqada Ogolaanshiyaha Ururnimo shirweyne, waxa ku waajibinaya xeerka ururrada iyo asxaabta qaranka ee xeer Lr. 14/2011, qodobkiisa 5aad, farqada 3aad Xarafkiisa B oo sheegaya inay mudadda hawlgalka ee lix bilood ka hor doorashada ay keenaan caddaymo muujinaya meesha urur kastaa ku qabsaday shirweynihiisa, qaab-dhismeedkiisa, xeerarkiisa iyo qodobo kale.

Siddeed urur-siyaasaddeed ayaa ilaa hadda inta uu wargeyska Dawan hubo qabsaday shirweynahooda, kuwaasoo aanay ku jirin kuwa uu maanta u furmayaa haddii ay jiraan. qaar kamida ururradan way soo gabagabeeyeen shirkooda, waxaana lagu doortay hogaan iyo maamul rasmi ah oo haggi doona ilaa tartanka doorashada, sidoo kalena waxay shirweyneyaashooda ku ansixiyeen xeerarka iyo dastuurka ay dhigteen aasaaseyaashoodu.

Ururrada shirweynuhu u qabsoomay todobaadkan sii gabagaboobaya, ayaa waxay kala yihìi Waaberi, Kaah, Rejo, Talo-wadaag, Hilaac, Barwaaqo, Dal-jir iyo Ogaal, waxaanay badankooda shirkoodu ka dhacay caasimada Dalka ee Hargeysa.

Guddida diwaangelinta iyo kala-reebida ururrada-siyaasadda ayaa goob-joog ka ahaa dhamaan shirarkaasi, kuwaasoo qiimeynaya habka iyo hannaanka ay u qabsoomayaan kulan-wadarreedka ururradu, hubinayana in la waafajiyey xeerka iyo hageyaasha hawlgalkan.

Shir kasta oo urur qabsaday, waxa ka qaybgalay xubno kamida guddida oo shaqadooda ka gutay, iyadoo uu urur waliba madasha ku soo bandhigay ergooyinkiisa bud-dhigga rasmiga ah u sameeyey iyo aasaaseyaashiisa.

Geesta kale, guddida diwaangelinta iyo kala-reebida ururrada oo war kooban soo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii shalay, ayaa shaaciyey wakhtiga kama dambeysta ah ee qabsoomida shirweyneyaasha ururrada.

Warkan oo lagu daabacay bogga guddidu ku leedahay mareegta Facebook, kuna saxeexnaa afhayeenkooda Md. Mukhtaar Cabdi Jaamac, ayaa lagu sheegay in maalinta Axada ee 18 bishan September xidhmayo jadwalka shirarka ururadu, wixii taariikhdaas ka dambeeyana loo gudbayo hawsha madax-taabashada gobolada.

Guddida ayaa yidhi beyaankooda sidan”Shirweynayaasha ururradu waxay soo gebogeboobi doonaan maalinta axada taariikhduna tahay 18/9/2022.

Waxaa innoogu xigi doona 10 cisho oo ururadu kusoo gudbin doonaan liiska 1000 Ka qof.

Waxaa innoogu xigi 1000-ka qof madax taabashadoodii  oo lixda gobolba lasoo mari doono lana tirin doono, intaa wixii ka danbeeya natiijadaanu ku dhawaaqi doonaa kadibna u gudbin doonaa komishanka qaranka jsl.

Sidaa waxaa kusoo xidhmi doonta shaqada gudida ee hawl galka”ayuu ku soo gabagabeeyey warkiisa Afhayeenka guddidu.

hawlgalkan kala-reebida ururrada siyaasadda ee socda, ayaa muujinaya inuu dalku u jihaystay qabsoomida Doorashada tooska ee loogu tartamayo asxaabta Qaranka.

Leave a Reply