Madaxweynaha Somaliland Oo dhambaal tacsi ah u diray Agaasimihii wasaaradda Arrimaha Gudaha, Oo Geeriyooday

0
389

TACSI MADAXWEYNE: 15/09/2022.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Agaasimihii hore ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, Marxuum Cabdirashiid Cali Xirsi oo ku geeriyooday dalka Hindiya xalay oo ay taariikhdu ahayd 15/09/2022.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey muwaadin ka baxay dalka iyo dadka xilal kala duwana ka soo qabtay Qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply