Socdaalka Madaxweynaha iyo soo Dhawayntii Hargeysa Illaa Berbera

0
278

Berbera-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa kumanaan dadweyne caleemo qoyan iyo calanka Somaliland lulayaa ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Magaalada Berbera iyo degaamada u dhexeeyey Berbera iyo Hargeysa

 

Weftiga ballaadhan ee Madaxweynahu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu baxay gobolada bari ayaa markii ay  gaadheen magaalo xeebeedda Berbera, waxaa halkaa kusoo dhaweeyey kumannaan katirsan shacabka magaalada Berbera,halka intii ay jidka kusii jireen ay magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera na soo dhawayn ballaadhan kala kulmeen dadweynaha magaalooyinka ku dhaqan.

 

 

Qaybaha kala duwan ee shacabka reer Berbera oo ay hoggaaminayaan maamulka gobolka iyo degmada Berbera, oo madaxweynaha iyo weftigiisa soo dhoweeyey ayaa dhamaantood lulayay caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo madaxweynaha qaranku uu socod lug ah masaafo dheer la lugeeyey bulshadii halkaas kusoo dhaweysay.

 

Dhinaca kale, qeybaha bulshada ee ka qeybqaatay soo dhoweynta wefdiga Madaxweynaha oo dareenkooda ka hadlaya ayaa sheegay inay Sharaf u tahay soo dhoweynta Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu hogaaminayo, waxaana hadaldoodii ka mid ahaa;

Hooyo dareenkeeda cabiraysay ayaa tidhi, “Halkan waxaan u taagan nahay ku soo dhoweynta Madaxweynaha Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi  gobolkiisa Saaxil. Waxaan leenahay Madaxweyne soo dhowow, shucuurtayada ma qiyaasi karno.

 

Inan da’yar oo dareenkeeda ka hadlaysay ayaa tidhi, “Halkan waxaan u taagan nahay soo showeynta Madaxweynaha, soo dhowow…

Inan dhalinyaro ah oo ka hadlay ayaa yidhi, “Madaxweyne ku soo dhowow gobolkii horumarka.

 

Dhamaan bulshadii ka qeybqaadatay soo dhoweynta Madaxweynaha iyo  wefdigiisa ayey wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo raynrayn, iyagoo lulayey caleemo qoyan iyo calanka Somaliland

 

Leave a Reply