Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xadhigga ka jaray Shaybaadhka Qaranka ee Hubinta Tayada Cuntada iyo Daawada.

0
310

Berbera-(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ,ayaa xadhiga ka jaray shaybaadhka hubinta cuntada iyo daawada oo markii ugu horraysay qaranka Somaliland uu yeesho.

Waxaanu ka hadlay Madaxweyaha qaranku muhiimadda ay leedahay in la iska hubiyo cuntada dawada iyo waxkasta oo dibed innooga yimaadda oo halis gelin kara nolosha dadka.

 

Munaasibadda xadhig-ka-jarka oo lagu qabtay xarunta hay’adda dhawrista tayada, ee gobolka Saaxil,ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda hay’adda dhawrista tayada, shaqaalaha hay’adda iyo marti-sharaf kale, waxaanu ugu horrayn madaxweynuhu kormeer kooban ku sameeyey qaybaha kala duwan ee ay hay’addu ka kooban tahay mishiinnada casriga ah ee baadhista loo isticmaalayo ee shaybaadhka goobta ku rakiban.

 

Ugu horrayn guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Mukhtaar Maxamed Cali oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay guusha ballaadhan ee qaranku ku gaadhay inuu yeesho shaybaadh casri ah oo lagu baadho cuntada, daawada iyo agabka la isku qurxiyo, waxaanu caddeeyey inuu qaranku shaybaadhkan geliyey dhaqaale aad u tiro badan, kaas oo looga gol leeyahay in la helo shaybaadh tayo leh oo lagu dammaanad qaadayo ilaalinta caafimaadka iyo fayo qabka bulshada isticmaasha wax kasta oo laga soo dejiyo marsada Berbera.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmedo kooban ka jeediyey munaasibadda xadhig-ka-jarista, ayaa masuuliyiinta hay’adda dhawrista tayada iyo shaqaalahoodaba ku bogaadiyey tallaabada ay hore u qaadeen, waxaanu  kula dardaarmay inay si xilkasnimo iyo daacadi ku jirto ugu shaqeeyaan shaybaadhka casriga ah ee qaranku yeeshay, aqoontooda la xidhiidha hubinta tayada iyo shaybaadhkana kor u qaadaan oo ay ku filnaadaan hawsha. Baaxadda leh ee shaybaadhku u baahan yahay

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay sida loogu baahan yahay in madaxda iyo shaqaalaha ka hawl gala hay’adda dhawrista tayadu in ay aqoontooda kor u qaadaan si ay umadda xilka ay u hayaan ay ugu gutaan si aqoon ah

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply