Hargeysa-(Dawan):- Shirweynahii Madasha Dhaqaalaha ee heer Qaran 2022 oo muddo saddex maalmood ka socday Hargeysa, kana soo qeybgaleen in ka badan 300 oo isugu jira Dawladda, Ganacsatada, Hay’adaha Caalamiga ah, Hay’adaha Maxalliga ah, bahda waxbarashada, khubaro iyo dhaqaalyahanno ayaa laga soo saaray war-murtiyeed labaatan qodob ka kooban.
Kulanka oo mudadii uu socday khubarada iyo masuuliyiintii ka qeybgalay kaga doodeen hindisayaasha saamaynta ku leh dhaqaalaha dalka ayaa gunaanadkiisi laga soo saaray qodobada hoos ku qoran.
Madasha Dhaqaalaha waxa ay soo saartay war-muriyeedkan:
- Madashu waxa ay u mahad-naqaysaa dhammaan daneeyayaashii iyo khubaradii sida mugga leh uga qayb-qaatay muddadii ay madashu socotay.
- Madashu waxa ay ku baaqaysaa qodobbadan hoos ku xusan:
1.In wax soo-saarka beeraha la kordhiyo iyada oo muhiimadda iyo mudnaanta ugu wayn lasiinayo sidii loo heli lahaa biyo, shinni tayo leh, iyo dawooyinka cayayaanka beeraha lagula dagaallamayo ee deegaanka saaxiibka la ah.
- In la abuuro Xarunta Cilmi Baadhista Qaranka oo daraasado mug leh ka samaysa wadaagayaasha Dhaqaalaha Dalka.
- In laga tabaabushaysto doorsoonka cimilada iyo abaarta soo noqnoqta, lana abuuro seerayaal iyo biyo xidheenno.
- In Wasaaradaha wax soo-saarka Dalka loo kordhiyo miisaaniyadda dhanka mashaariicaha la xidhiidha horumarinta wax soosaarka.
- In la horumariyo xirfadaha iyo aqoonta dhallinyarta, lana xoojiyo waxbarashada farsamada gacanta iyo tiknoolajiyadda.
- In la dhammaystiro siyaasadaha iyo xeerarka la xidhiidha dhaqaalaha caymiska ee ganacsiga lagu horumarinayo.
- Kobcinta wacyiga bulshada ee caymiska la xidhiidha.
- Waa in ganacsatada hoose/dhexe ahmiyad gaar ah la siiyo xilliga xaalado dhaqaale yimaaddaan iyo marka la gelayo heshiisyo caalami ah iyo kuwo maxalli ah.
- In la helo tamar waddanka ku filan oo la awoodi karo, laysku na hallayn karo.
- In si wadajir ah la iskaga kaashado sidii khayraadka macdanta, kalluunka, xoolaha, xabkaha iyo faleenka dalka loo sahamin lahaa, isla markaana dhoof loogu raadin lahaa.
- Madashu waxa ay garwaaqsatay muhiimadda ay leedahay goobta ay Somaliland ku taallo, sidaas darteed, waxa ay ku baaqaysaa in la xoojiyo dhaqaale ahaan adeeg bixinta iyo ganacsiga (Trade and services).
- Madashu waxa ay ku baaqaysaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, tamarta , isgaadhsiinta iyo dekadaha, iyo gegooyinka diyaaradaha dalka.
- Madashu waxa ay ku baaqaysaa in la hirgaliyo heshiiska iskaashi ee Beesha Caalamka iyo Dawladda Somaliland (Somaliland Partnership Agreement).
- In dhammaan mashariicda horumarineed ee dawladda iyo daneeyayaasha la shaqeeyaaba ku salaysnaadaan Qorshaha Horumarinta Qaranka
- In la sameeyo cilmi baadhis dhammays tiran lagu na sameeyo goobaha iyo fursadaha maalgashi ee dalka jira, isla markaana gobollada oo dhan laga abuuro aagga warshadaha.
- In la mideeyo nidaamka diiwaangalinta maalgashatada, isla markaana dib u eegis lagu lasameeyo tacrifadaha liisammada.
- In la baalladhiyo helitaanka adeegyada maaliyadda ee bulshada, iyadoo loo marayo dib u habaynta xeerarka, adeegsiga tiknoolajiyadda iyo kobcinta wacyiga iyo aqoonta bulshadda ee adeegyada maaliyadda.
- Madashu waxa ay hoosta ka xarriiqday in la abuuro nidaam iskaashi oo ay ka wada shaqeeyaan Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ururka baananka gaarka loo leeyahay ee Somaliland iyo daneeyayaasha kale ee bahda maaliyadda si loo abuuro helitaanka dammaanadaha deymaha la siiyo ganacstada yaryar iyo kuwa dhexe iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo dhallinyarada rag iyo dumar ba ee la yimaadda hal-abuurka ganacsi.
- In la kobciyo xirfadaha Tiknoolajiyadda, taasoo abuuraysa fursado shaqo, si kor loogu qaado dhaqaalaha Dalka, taas oo fududayn karta maalgashi dhinaca Tiknoolajiyadda ah.
- Ugu danbayn, madashu waxa ay soojeedinaysaa in la joogteeyo Madasha Dhaqaalaha ee heer Qaran, loona saaro guddi isku dhafan oo ka hawl gasha fulinta soo jeedimaha shirkan.