“Helitaanka Tamartu waa Furaha Koboca Dhaqaalaha.” Guddoomiye Cadarre

0
285

Hargeysa- Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Eng. Axmed Faarax Cadare ayaa sheegay inay diyaariyeen nidaam damaanad qaadaya tamar la awoodi karo, badbaado leh oo la isku  hallayn karo  Somaliland.

War-saxaafadeed shalay ka soo baxay Komishanka Tamarta oo lagaga hadlay kaalinta ay ka qaateen shirweynahii Dhaqaalaha oo ujeedadiisu ahayd Xalinta dhibaatooyinka dhaqaale, ayaa lagu sheegay in daneeyeyaashu ka doodeen xal-u-helidda caqabadaha dhaqaale.

Wasaaradaha dawladda oo soo bandhigay caqabadaha iyo fursadaha koboca dhaqaale ayey ka soo baxeen natiijo ah in tamartu fure u tahay dhammaan koboca dhaqaale.

Qoraalka Komishanka Tamarta ayaa lagu sheegay in la diyaariyey xeer Guddida Nidaaminta Tamarta Somaliland oo fududeysay gudbinta, iyo qaybinta dalka si loo hubiyo in si caddaalad ah loo wada siman yahay si loo helo tamar la awoodi karo, badbaado leh oo la isku halayn karo  Somaliland.

Madashii shirweynaha oo daneeyeyaasha ka kala socda dadweynaha, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa aan dawliga ahayn iyo waaxyaha bini’aadantinimada ka soo qeybgaleen, ayaa lagu falanqeeyey todobadan mawduuc ee soo socda: Haqab-beelka cuntada iyo deegaanka; Maalgelinta Tooska ah ee Shisheeye iyo Wax-soo-saarka; Ganacsiga iyo Gaadiidka; Adeegyada Maaliyadda; Tamarta iyo Macdanta; Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha; Qorshaynta Gargaarka Dibadda iyo Iskuduwidda.

 

Leave a Reply