Wasaaradda Shaqada oo Baadhaysa Tacadiyo la Sheegay in Nin Ajaanib ahi u Gaystay Muwaadin u Shaqaynayay

0
257

Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa baadhaysa tacadiyo la sheegay in nin Ajaanib ahi u gaystay muwaadin u shaqaynayay, kaas oo warkiisa lagu baahiyay baraha bulshadu ku xidhiidho, isla markaana hadal hayn badan ka dhex dhaliyay bulshada.

Wasiirka wasaarada shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland   Mustafe Maxamuud Cali Bile,  iyo agaasimaha waaxda shaqada  Mukhtaar Yuusuf Maxamed, ayaa kulan xog-waraysi ah waxay la qaateen Daa’uud Cismaan Maxamed oo ah muwaadin laba maalmood ka hor muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada, kaas oo ay hadallo dhex marayeen shaqsi ajaanib ah.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in baadhista tacadiga loo gaystay muwaadinkaas  warbixinteeda ay dhawaan bulshada Somaliland la wadaagi doonaan, iyada xuquuqda labada dhinacba la ilaalinayo.

Geesta kale waxa ay wasaaraddu bulshada Somaliland u dirtay fariin la xidhiidha in muwaadiniinta  iyo ajaanibta sifadda sharciga ah ku joogta waddanka in ay dhacdooyinka khuseeya arrimaha shaqada ay si toos ah ula soo socodsiiyaan waaxda shaqada ee wasaaradda, si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah -31/2020.

 

 

 

 

 

Leave a Reply